.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, February 25, 2013

Wasiirka Daakhiliga S/Land Oo Fariin Bogiisa Facebook U Mariyey Culimadda Dalka

 
- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa bogiisa Facebook lagu baahiyey Fariin kooban oo nooceedu dhif iyo nadir ku tahay madaxda dalka, kaas oo Culimadda kala duwan ee Somaliland oo uu sheegay inay hayaan xog ka badan ta ay hayaan shacbigu, isla markaana ka dalbaday inaanay habranin oo ay ka hadlaan khataraha argagixisada.
 
Sidoo kale baaqan lagu baahiyey boga Facebook ee Wasiirka Daakhiliga Mr Duur ayaa waxa uu Culimada Somaliland ugu baaqay inay Ciidamada Amniga u tilmaamaan waxkasta oo qalooc ku jiro iyo qofkasta oo wax u wada si ka duwan sidii diintu ahayd, kaas oo fariintiisaas ku sheegay in la gaadhay wakhtigii ay ka badheedhi lahaayeen culimadu qabashada dadka fikirada khaldan bulshada kula dhexjirta. Fariintan nooceedu ku cusub tahay madaxda dalku inay ku baahiyaan afkaartooda oo koobnayd ayaa iyada oo dhamaystiran u dhignayd sidan:-

“Waxan halkan baaq uga dirayaa culimaa’udiinka oo iyagu haya xog ka badan ta shacabku hayaan, inay si geesinimo leh uga hadlaan oo aanay qarsan inay ka hadlaan khatarka argagixisada ee aan cidna u tudhayn ee aan culimo iyo cidkale midna daynayn”.fariinta Wasiirka Daakhiliga oo sii wata ayaa waxa lagu yidhi;
 
 “Waxa la taagan yahay wakhtigii ay ciidammada amniga u tilmaami lahaayeen, wax kastoo qallooc ku jiro iyo qof kastoo wax u wada si ka duwan sidii diintu ahayd, waana wakhtigii ay ka badheedhi lahaayeen cidkasta oo fikir qalloocan bulshada kula dhex jira, waa wakhtigii ay baqdinta iska dhaafi lahaayeen ee ay ka badheedhi lahaayeen”.
 
Dhinaca kale mar aanu isku daynay xalay inaanu Wasiirka Daakhiliga wax ka waydiino oo aanu ka xaqiijino inuu isagu isticmaalo boga Magaciisa iyo mansabkiisuba ku qoranyihiin ee Facebook ayaanay noo suurta galin inaanu wax tafaasiil ah ka helno dib markii uu telefoonkiisa gacanta naga qaban waayey.
 
Sidoo kale fariintaas kooban ee lagu baahiyey boga Facebook ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa cidi u baahani ay ka daalacan kartaa Linkiga:- http://www.facebook.com/profile.php?id=100005104663245&fref=ts.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: