- Wasiirka Ganacsiga Somaliland Mudane C/Risaaq Khaliif Axmed ayaa shalay Hotel
Ambassador ee Magaaladda Hargeysa ka furay kulan balaadhan oo lagu
falan-qeynayay maal-gashiga iyo horumarinta Ganacsiga dalka. Ganacsatadda dalka,
sharaa’iga waddaniga ah, Rugta Ganacsiga, Haay’adda USAID iyo aqoon yahano kala
duwan.
Wasiirka wasaarada gancsiga Md. C/risaaq Khaliif Axmed, oo ka hadlay
furitaankii shirkaasi, ayaa bayaamiyay ahmiyadda Somaliland uu u leeyahay
maal-gashiga iyo horumarinta Ganacsigu, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu
yidhi;“Maal-gashi la sameeyo waxa ka qiimo roon in aqoontii iyo garashadii
ganacsiga dalka lagu soo celiyo, ma ganacsi li’in oo ganacsigeenu wuu socdaa ma
dhaqaale li’in oo dhaqaale waynu haysanaa laakiin dhibka jira waxa weeye
ganacsigeenu waxa uu ku socdaa qaabkii uu ku bilaabmay ee qadiimka ahaa!
Aduunkana waxa ka
jira is bedbedal aduunka iyo qaabab cusub qofkuna hadii aanu la socon heerarka
cusub ee ganacsiga aduunka oo aqoon lagu salayn shaqada la qabanayo aanay wax
badani suurto galaynin”, ayuu yidhi wasiirka ganacsiga.Waxaanu intaa duray
“waxaan is lee yahay arrintatan ay wadaan Transparent Solution waxay xal u
noqonaysaa in lays dhexgaliyo aqoontii iyo awoodeenii dhaqaale la is
dhexgaliyo”.
Gudoomiyaha rugta
ganacsiga Maxamed Shukri, oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay muhiin
tahay in horumarin lagu sameeyo maalgashiga dalka, ganacsatada dalka u soo
jeediyey inay midoobaan. “Arrinkan aynu ka hadlayno ayaa arrin wayn ah
maalgashiga ama horumarinta maalagshiga dalkeen, waxaad mooda arrinta
maalgashiga ama ganacsiga dalkeena qof baa wax yar keenaya tobanbaa ku dayana
markaasay isla wada dagayaan, maalintii igu horaysay een maqlo International
Transparency waxay ka hadlayeen wax layidhaahdo Budlus, anigu Budluska waxaan u
aqaanay wax dowladi bixiso ama maalgalin wayn, laakiin markii dambe waxaan
ogaaday iskugayn fikir iyo caqli lacagta dadku keenaan lagu maalgashado”. Ayuu
yidhi Mr, Shukri.
waxaanu intaas ku
daray “Anagu hadaanu nahay Rugta Ganacsiga waxaan lee nahay nimankan tujaarta ah
intuu nin waliba inyar isku koobayo oo ninba nin la xifaaltamayo uu is lee yahay
hebalbaa kaa keenay ee adigu ka badi wax isku darsada oo waxan oo kale ama wax
la mida sameeya”,
Agaasima maamulka
shirkada Transparent Solution Sharmaarke Jaamac, oo kulankaasi hadal ka jeediyay
ayaa si faah-faahsan u sharaxay faa’iidada ku jirta maalgashiga iyo sidoo kale
casriyaynta lagu sameeyo ganacsiga dalka. Shirkada Transparent Solution, waxaa
aasaasay dhalin qurbo joog reer Somaliland si ay horumariyaan malgashiga iyo
ganacsiga dalka.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment