.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, February 28, 2013

Wasiirka Khaarajiga S/land Oo Martiqaad Ku Tagay Dalka Jarmalka, Kullamona La Yeeshay Madaxda Dalkaasi

 
- Wasiirka arimaha dibada Somaliland, Dr Mohamed Cabdilaahi Cumar oo martiqaad rasmiya ka helay dawlada Germany ayaa waxa uu shalay la kulmay, deeq bixiyayaal Jarmal ah iyo shirkado. Waxa kale oo uu Wasiirku la kulmay Xubno Kamida Baarlamanka Jarmalka ee loo yaqaan (Bundes Tag), kuwaas oo kala socday Xisbiyada talada haya ee CDU iyo CSU Qaybta uqaabilsan Arimaha dibada.
 
Wasiirku waxa uu halkaas ka jeediyay khudbad dheer oo taariikhi ah isagoo si buuxda uga dhaadhiciyay Masuuliyiinta dawlada Jarmalka Marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo waliba horumarka Somaliland ku talaabsatay iyo in Somaliland la Maalgashan karo. Sidoo kale Wasiirka Arimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Curmar waxa uu la kumi Doonaa Maalinta Bariya Madaxda Waraasrada Arimaha Debeda Jarmalka Taas oo uu Marti Qaad Buuxa uu Ka helay. Wasiirku waxa uu Jarmalka uga sii gudbi doonaa Dalka Holland oo uu kula kulmi doono Jaaliyadaha Holland, Biljamka.---''Haatuf.

No comments: