.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, February 13, 2013

Xadhigii Xirsi iyo Xabsiga Nadra yaa kala xigtaystay

 
"Taariikhdu waa dhigaal ee dhug u yeelo, dhacdada barina uga dhimbiil qaado". Bahda Mareegta Farsahxan
 
"Learn from yesterday,live for today,hope for tomorrow.." – Albert Einstein

- Bishii Ogoosto 3dii,2008dii ayaa waxaa magaalada Burco ka dhacey in dad ka soo horjeeday heshiiska lala galay Aljaabiri gawaadhi kurka ka gooyeen isna hubeeyeen. Dawladii Riyaale oo ka hortageysay dhibta ay keensan karto arintaasi ayaa ciidamo u dirtay tuulooyinka dhanka bari ee magaalada Burco oo lagu tuhmayey inay dadkaasi u baxeen.Ciidamadaa doondoonka ahaa ayaa tuulo ku taala duleedka bari ee Magalaada Burco ku soo qabtey gaadhi landcruiser ah oo aan istaagin ilaa ay dhawr jeer xabaddo dushiisa ka rideen.
 
Gaadhigaa waxaa ku jiray Xirsi Cali X. Xasan oo ku hubaysan qori iyo baastoolad. Waxaa Xirsi lagu xidhay xabsiga dhexe ee magaalada Burco, isla habeenkiina loo soo gudbiyey xabsiga CID-da ee magaalo madaxda Soomaaliland ee Hargeysa. Ciidamadani may raadinayn Xirsi.Guddoomiyihii xilligaa ee Gobolka Togdheer oo arintaa cadeynayaana wuxuu yidhi: "Muwaaddinka hore looma doon-doonayn, laakiin ciidan la kulmay baa soo qabtay". Ciidankaasi markay joojiyeen waxay ku heleen hub uu sitay Xirsi,waana ta keentay inay xabsiga u taxaabaan.
 
Hase yeeshee Axmed Maxamed Siilaayo oo xilligaa ahaa gudoomiyaha ururka Kulmiye ayaa seefta galka ka siibay yidhina: "Xadhiga Xirsi Cali X. Xasan Xisbiga Kulmiye wuxuu u arkaa mid loogu talo galay in lagu wax yeelleeyo nabadgalyada Dalka, taas oo ay beryahanba ay ku hawlanayd Xukuumaddu, ujeeddo kasta ha ka lahaatee". Haddaba waydiinta u baahan in maanta laga warceliyo waxaa weeyey haddii uu maalintaa Siilaanyo ka gaabsan waayey xadhiga Xirsi, maxaa ku gargaarey inuu ka aamuso xadhiga Nadra ?

Anigana hadhaw iyo faallo
Halistaa inaan ka afeeftay
Oo weliba hiif iga gaadhay,
HAGAR-LAAWE ii geli buugga
Taariikhda aan wax hilmaamin.
 
*hagarlaawe,Abwaan Maxamed Xaashi Gaarriye(IHUN)
 
Waxaa waliba la yaab leh wuxuu maalintaa Siilaanyo ku hadlayey magaca Kulmiye oo shalayna markii Xirsi ka waramayey ujeedada loo sameeyey xabsiyada sacabka iyo jaanta isla helay. Tollow maxay ka aheyd xubnaha reer Kulmiye. Ma xadhiga inanta ayey ku faraxsanaayeen mise xilkay hayaan bay dhawranaayeen oo waxay la mid aheyd heesihii :"Cimrigii jiroow waligaa hay hay hay........"..
 
Dadkaa sacabka tumayey waxaa ka mid ahaa Mujaahid Maxamed Kaahin iyo Mujaahid Muuse Biixi oo waxay shalay xukuumadii Afweyne ka diideen aad moodo inay hilmaameen.Waa waydiin dadka u taala oo dareenkooda had iyo jeer muujiya,dulmigana aan u adkaysan.Dulqaad badanaa dadka reer Soomalialand,doqoniimase kama aha. Waxaanse odhan lahaa Nabi Luud(CS) markii uu qoomkiisii ka yaabey ayuu ku yidhi: "Miyaan wax caqli lihiba idinku jirin"-
 
Xilligani waxaa qaadanwaa ku noqday Xirsi gudidii doorashada ee uu la shaqeynayey oo lixdii kaleba isku raaceen inaaney la shaqeyn karin,laguna khasbey inuu xilka ka dego.Garaadkiisa ayaa Xirsi garabka darajo aan muuqan ugu tolay.Taasi waxay ka saartey bulshadii shicibka ahaa ee uu ka midka ahaa,waxaanu u dalacey ciidan qaadan kara hub.Shicibku inay hub qaataan waa gef.Xeerka yaala dalka Soomaliland ayaana ogolaadey in aanu shicibku sidaa u hubaysnaan karin, qof cadhoodeyna hadalkiisaba daa.
 
Xirsi Cali oo ka hadlaya xadhigaa loo gaystay ayaa yidhi: "Xadhigaasi xasuus buu igu reebaya, Xukuumadda hadda jirta ayaan u bandhigayaa dacwaddayda,Haddii ay qaadi waayaana waxaan la sugayaa dawlada iman doonta". Markuu ka hadlayey xadhiga Nadrana wuxuu Xirsi yidhi: "Jeelasha waxaynu u samaysaynay qofka Edaabta daran in lagu edbiyo, sharcigana waxaynu u samaysanay qofkiii qaldan inuu qabto, maaha qofka qaldan in garab lagu siiyo oo loo tilmaamo in la dulmaayo, hadaynaan ogolaanin dadka qofkii gafa in la xidho oo sharciga la horgeeyo oo uu cadaalada hortago maxaynu cadaalada ku falaynaa, waxa jeelasha loo sameeyay qofku inuu ku edabsado..". Maankaaga akhristoow la kaashoow ma Cadan baa laga heesayaa mise........
 
Bishan Febraayo 12 dii 2013kii ayaa Maxkamada Gobolka Maroodijeex ku xukuntay marwo Nadra Maxamed Jaamac xadhig dhan sideed bilood , waxaase la yaab lahaa inay xagga danbe kaga dareen xadhigaasi oo ka bilaabmaya maalinta xukunku dhacey. Maxkamadu oo la ogaa inay arintanba gardaro gargargaareysay ayaa hareer martey garsoorka u gabanayeen oo intii hore ee ay xidhnayd ma cirkaa loo tuurayaa mise itaalkeeday arkeen oo xeerba laguma qaadinee waa raaligalin madaxweynaha iyo marwo Maamo Waris.
 
Tifatirka bahda Mareegaha Farshaxan

www.farshaxan.org

iyo www.farshaxan.com


No comments: