.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, February 25, 2013

Xildhibaanada Beesha Ciise Ee Saylac & Lughaya Oo Iscasilay


- Xildhibaano beesha Ciise ee Somaliland ka tirsan oo tiradoodu tahay 10 xildhibaan oo 7 ka mid ahi ka soo jeedaan Saylac halka 3da kalena ay ka tirsanyihiin golaha deegaanka Lughaya ayaa is casilaadooda kaga dhawaaqay degmada Xariirad ee gobolka Salal. Is casilaadda xildhibaanadan ayaa daba socota muran la xidhiidha natiijadii doorasahada golayaasha deegaanka ee Somaliland, sida uu VOAda u sheegay Xildhibaan Geesh Aadan Bile.Xildhibaanka oo u warramay VOA ayaa sheegay in ay is casileen iyaga oo tixgalinaya sida uu tilmaamay rabitaanka beeshooda.

Xildhibaan Geesh Bile ayaa sidoo kale tilmaamay in beesha ay ka soo jeedaan xildhibaanada maanta is casilay ay ka cabanayso tixgalin la’aan ay la kulmeen. Xildhibaanada ayaa sheegay in arrintan ay tahay mid u taalla Somaliland.
 

No comments: