.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, March 26, 2013

Dr. Maxamad C/laahi: Madaxwaynaha Somaliland Lama Kulmaya Madaxwaynaha Somalia *Dhegta-maal

 
- W/Arrimaha Dibedda ee J. Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar oo ay idaacada BBC-da qaybteeda Soomaaligu waraysatay, ayaa sheegay in aanu jirin wax qorshe ah oo ku saabsan kulan ku dhexmara Madaxweynaha Somaliland iyo M/weynaha Soomaaliya dalalka Imaaraadka carabta.
 
Wasiirka oo ka jawaabayay su'aal ahayd in ay jiraan warar sheegayay inay suurtagal tahay in labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya  ku kulmaan magaalada Dubai, kadib marka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka soo laabto magaalada Dooxa ee dalka Qadar, ayaa Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar W.A/dibada JSL uu kaga jawaabay, in wafdiga Somaliland uu dalalka Imaaraadka ku tagay casuummad ay ka heleen masuuliyiinta dowladda Imaaraadka Carabta kala hadleen danaha labada dal!

Wasiirku waxa uu intaa ku daray oo uu ku celceliyay inay diyaar u yihiin wada hadal inay la galaan xukuumada Soomaaliya marka ay iyagu diyaar garoobaan, balse aanay J.Somaliland ka soo qeyb geli doonin shirka London ee bisha May.
 
*Dhegta maal

No comments: