.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, March 8, 2013

Hargaysa (Somaliland): Aabo Aanu Miyirkiisu Dhamayn Oo Dilay Xaaskiisii Iyo Laba Caruura Oo Uu Dhalay! *Dhegta-maal

 
- Nin aanu miyirkiisu taam ahayn oo xanuunsanaya ayaa habeenkii xalay magaalada Hargeysa ku dilay, xaaskiisa oo Uur leh iyo  laba caruura oo uu isagu dhalay. Falkaa naxdinta leh ka dib waxa uu isna naftiisa gaadhsiiyay dhaawacyo dhawr ah oo culus oo uu ka mid tahay, isagoo xubinta taranka iska jaray. Ninkan oo adeegsaday tooray ayaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaalka Guud ee magaalada Hargaysa, maamulaha isbitaalka Hargaysa Axmed Daahir Aadan ayaa intaa ku daray in xaalka caafimaad ee ninka xanuunsanayaa uu haatan fiican yahay. Dhanka kale, taliyaha ciidanka booliiska ee Somaliland Cabdullaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ciidamada amaanku ay baadhayaan dhacdada naxdinta leh, islamarkaana ay ninka ku ilaalinayaan isbitaalka.
 

No comments: