- Madaxweynaha J. Somaliland mudane Axmed Maxamuud Maxamed (Siilaanyo) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Galabta Gelinkii danbe ka dhoofay Gegida Diyaarahada ee Egal Airport/Hargeysa iyaga oo ku sii jeeda Wadanka Turkiga oo uu madaxwaynhu martiqaad rasmi ah ka helay Raysal Wasaaraha dalka Turkiga, mudane Recep Tayyip Erdogan .
Madaxweynaha oo maanta intii aanu dhoofin Saxaafada kula hadlay gegada diyaaradaha Cigaal Airport, oo uga waramay ujeedada Socdaalka uu ugu baxayo dalka Turkiga, waxa uu sheegay inuu yahay mid shaqo oo lagu sii adkaynayo xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal (Somaliland iyo Turkiga) iyo waliba labadooda umadood u dhexeeya kumanaanka sanadood.
Madaxweynaha oo Su'aalahii halkaa lagu waydiiyay ay ka mid ahayd, hadal dhawaan ka soo yeedhay ra'iisal wasaaraha Soomaaliya oo ahaa, in Somaliland hadii ay wada hadal marka ay la galaan ay isku afgaran waayaan, ay dawlada Soomaaliya isticmaali doonto xoog iyo cudud militari! Madaxweynuhu inta uu dhoolo cadeeyay ayaa waxa uu kaga jawabay hadalkaa;

'' Reer somaliland ahaan inagu, mar walba waxa aynu jecelnahay wada hadal iyo walaaltinmo in aynu wax kasta oo ay ka mid tahay madaxbanaanideenu ku raadino,! Hadiise ay iyaga (Somalia) sidaasi deeqi waydo oo ay jecel yihiin dagaal ama colaad waxad ogaataan in somaliland leedahay Cudud Militeri, oo ay ku difaacan karto dalkeeda kuna caabiyi karto cid kasta oo soo weerarta. Horena taasi waanu u muujinay oo aanu dalkayaga ku xoraynay, mana aha mid muran cidna uu kaga jiro''.
No comments:
Post a Comment