.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 30, 2013

Odayaasha D/Kalabaydh Ee Sool Oo Kooxda Khaatumo Seeg Ku Tilmaamay Fidmawadayaal Cadow Ku Ah Bulshada Sool Iyo Buhoodle

 
- Cabdillaahi Maxamed Baashe oo ka mid ah odayaasha degmada Kalabaydh ee gobolka Sool ayaa sheegay in kooxda nabadiidka ah ee Khaatumo Seeg ee saldhigoodu yahay deegaanka Taleex ay yihiin fidmawadayaal colaad ka hurinaya gobolka Sool iyo deegaanka Buuhoodle, waxaanu intaa ku daray in bulshada ku dhaqan deegaanada gobolka Sool iyo Buuhoodle ay yihiin dad reer Somaliland ah oo qaranimada iyo gooni isku taaga difaacaya. Oday Cabdillaahi Maxamed Baashe oo shalay khadka Telephone-ka kula soo xidhiidhay Haatuf, isagoo ku sugan degmada Kalabaydh, ayaa sidoo kale ku tilmaamay kooxda Khaatumo Seeg kuwo cadow ku ah Somaliland iyo shacabka Sool iyo Buuhoodle. Isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi;
 
 “Xaalada deegaanka Kalabaydh iyo dadka ku dhaqaniba meel fiican bay maraysaa, raxmaadkii Allana wuu maansheeyay, waxaanuse halkan ka cadaynaynaa in kooxda isku magacawda maamulka Khaatumo ay yihiin koox fidmawadayaal ah oo colaad iyo amaan daro ka dhex hurinaya gobolka Sool iyo Buuhoodle, shacabka ku dhaqan Sool iyo Buuhoodle waa kuwo dal ahaan iyo dad ahaanba reer Somaliland ah, sidaa darteed Khaatumo waa cadowga Somaliland iyo bulshada deegaanka Sool iyo Buuhoodle, xukuumadana waxaanu ugu baaqaynaa in gacan bir ah lagu qabto shakhsiyaadka sida qarsoodiga ah ula shaqeeya cadowga Khaatumo ee ku sugan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo aanu cadaymo buuxda ku hayno taageerada ay siiyaan fidmawadayaasha Khaatumo”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: