.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Wednesday, March 13, 2013

Ogaysiis Ku-socda Dhammaan Qurba Joogga Somaliland ee Yurub

 
''Daawanaayow waa Dalkaagii''

Ujeedo: Ogeysiis la xidhiidha dibadbax balaadhan oo caasimada dalka Biljam ee Bruxells  lagu qabanayo .

- Dallada SSE oo ay ku bahoobeen jaaliyadaha ama ururada Somaliland ee Yurub ayaa iyada oo la shaqaynaysa afarta Jaaliyadood ee kala ah;
Jaaliyada Somalailand ee Biljimka
Jaaliyada Somaliland ee Faransiiska
Jaaliyada Somaliland ee Holland
Jaaliyada Somaliland ee Jarmalka

Ayaa waxa dhammaan dadka reer Somaliland ee ku dhaqan Yurub lagu wargelinayaa inay si bilan uga soo qayb galaan isu-soo baxa balaadhan ee lagu qabanayo magaalada Bruxells ee waddanka Biljimka. Isu soo baxan oo ah mid muhimadiisa leh ayaa qabashada ujeedooyinkiisa waxa ka mid ah:

- Inaynu xarunta midowga Yurub dareensiino sida ay muhiim u tahay in la taageero qaddiyada gooni isu taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

- Waa fursad aynu rabno in Yurub xarunteeda aynu la wadaagno dareenkeena ku wajahan Somaliland.

- Sidoo kale waxa uu baaq u dirayaa bulshada caalamka ee isugu imanaysa London si ay uga qayb galaan kulankaa loo balamay bisha May 7deeda, kaasoo ku magacaaban shir Soomaali loo qabanayo.

Ogeysiiskan oo hordhac ah ayaa waxa aanu idinka codsanaynaa in loo sii diyaar garoobo banaanbaxa inoo qorsheysan maalinta Khamiista ee bisha April ay tahay kow iyo tobanka (11.04.2013).

Wixii faahfaahin ama tafaasiilah ama macluumaad dheeri ah waanu idinla socodsiin doonaa sida ugu dhakhsaha badan.

''Alle ayaa mahad leh'',

Guddiga fulinta ee dallada SSE.

No comments: