.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, March 22, 2013

Wafti Balaadhan Oo Ka Kooban UN-ta Iyo Dalalka Deeq Bixiyayaasha Ah Oo Yimid Dalka J.Somaliland

 
''Xafiiskii u qaabilsanaa UN-ta Iyo dalalka Deeq Bixiyayaasha ah gargaarkii ay ka wadeen Somaliland iyo Somalia oo loo rarayo Somalia-Italia ayuu wafdigu kala hadlayaa J.Somaliland'' S/landers
 
- Wafti Ballaadhan oo ka kala socday Wadamadda Qaadhaan Bixiyeyaasha iyo QM ayaa goor dhaweyd soo gaadhay Magaalo madaxda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa. Waftigan oo ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee Egal International Airport ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa soo dhaweyntooda ka qayb galay Mas'uuliyiin xukuumadda ka tirsan iyo waliba wakiiladda Hay'adaha Qaramadda Midoobay u jooga Jamhuuriyadda Somaliland.

Si dhab ah wali looma oga ujeedada socdaalka Waftigan culus, balse inta ay ku sugan yihiin JSL waxa la filayaa in ay kulamo kala duwan la yeeshaan xukuumada uu hogaamiyo Md. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo ururadda rayidka ah kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan sii xoojinta xidhiidhka u dhaxeeya QM iyo JSL.

Sidaas oo kale warar hor dhac ah ayaa sheegaya in xafiiskii QM u qaabilsanaa Wadamadda JSL iyo Somalia oo uu fadhigiisu ahaan jiray  Magaalada Nairobi, loo rari doono Magaaladda Muqdisho ee dalka Somalia. Taasina ay tahay baa la leeyahay sababta ay wakhtigan socdaalkooda ugu soo baxen JSL oo ay rabaan in ay xukuumadda la socodsiiyaan.
 
S/landerss

No comments: