.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 23, 2013

Waftiga UN-ta Iyo Deeq Bixiyayaashu Uma Socdaan Ka Hadalka Shirka Somalia Ee London Ee Waxa Ay U Yimaadeen...

 
- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war sheegayay in wefti ka socday qarramadda Midoobay oo socdaal shaqo ku jooga Hargeysa ay xukuumadda kala hadlayaan go’aankii ay ku qaadacday shirka lagu wado in Ingiriisku Soomaaliya ugu qabto Magaaladda London sidii beesha caalamku u taageeri lahayd dawladda dalkaasi laga sameeyay.
 
Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu tafaasiil ka bixiyay ujeedada wefti lix xubnood ka kooban oo ka socda xarunta dhexe ee qarrammadda Midoobay ku leedahay magaaladda New-york ee dalka Maraykanka.

Mudane Mawliid Maxamuud Ibraahim waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay siiyay Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, waxaanu si adag u beeniyay in weftigan ka socda UN-tu ay Xukuumadda kala hadlayaan sidii Somaliland uga noqon lahayd go’aankii ay ku qaadacday shirka Ingiriiska, isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi;
 
“Waa been waxba kama jiraan weftigan ka socda UN-ta ee socdaalka sadexda maalmood ah ku jooga Somaliland ajandaha ay u socdaanba arrintaasi kuma jirto. Mana khusayso Wasaaradaha iyo madaxweynaha oo ay la kulmayaan-na lama soo qaadayaan wax arrintaasi ku saabsan.”
 
Wasiir Ku xigeenku Khaarajiga oo aanu weydiinay ujeedada rasmiga ah ee socdaalka weftigan waxa uu yidhi “Weftigani waxay ka kooban yihiin lix xubnood waxay ka soo kicitimeen xaruntooda dhexe ee New-york. Waxay u socdaan waxa la baabiinayaa oo UN-ku wax ka bedel ku samaynayaan Xafiiska siyaasadda ee qarammada midoobay ku lahayd Hargeysa ee la yidhaahdo UNPOS oo uu Ergayga qarramadda midoobay ee Somaliland iyo Soomaaliya Augustina Mahiga xukumi jiray.
 
Xafiiskan waxa loo bedelayaa mid cusub oo si toos ah ula shaqeeya wasaaradaha iyo dawladda oo aanu filayno inuu si dhow inoola shaqeyn doono. Markaa xafiiskan cusub waxa lagu wadaa in la furo Bisha June ee fooda inagu soo haysa.”
 
“Markaa socdaalka weftigani waxa uu u socdaa tallo ururin la xidhiidha xafiiskan cusub, waxaana socdaalkoodu daba socdaa mid socdaal hore oo wefti UN-ta ka socdaa ay Somaliland ku yimaadeen Bishii November 2012-kii,”ayuu yidhi Wasiir Ku xigeenka Arrimaha dibaddu.
 
Wasiir Ku xigeenka oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay xafiiskan la baabiinayo iyo ka cusub ka faa’iido badanaya, waxaanu ku jawaabay “Xafiiskan hore wuu inala shaqeyn jiray, hase yeeshee waxa uu kagani kaga duwan yahay waxa uu toos ula shaqaynayaa oo uu wararka ka qaadanayaa Wasaaradaha iyo dawladda markaa waxaan rajaynaynaa in xafiiskan cusub inooga waxtar badan doono xafiiskii hore ee siyaasadda.”
 
Wasiir Ku xigeenku waxa uu sheegay in weftigani ay sadexda maalmood ee ay ku sugan yihiin Somaliland ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan Afar Wasaaradood iyo Madaxweynaha Somaliland.
 
Somalilanders

No comments: