.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, March 2, 2013

Xasaanadda Siyaasadeed Ee Loo Fidiyay Al-mujrim Ali Samatar Waa Daffiiraad Kale.

 
''Bal u fiirso sida sida ay kuula jihaadtamayaan, maalintii ay heleen aqoonsiga USA ee inay yihiin dawlad rasmi ah ayaa kuwa Xamar ka arrimiyaa ay arkeen inay qiil u heleen mar kale ay ku dalban karaan xasaanaddii Ali Samatar,,,''. ALI 
 
- Jiil waliba jiil in la kala dambaynao oo is bed-beddel u dhacayo waa mid mid la socda giraanta xilliga ee wareegaysa, laakiin dhaqannada ehliga ah waa la iska dhaxlaa siiba kuwa ku salaysan aragtayda mujtamacyada meel ku wada dhaqan oo waxay aaaminsan yihiin marka arrimaha qaarkood la soo qaado aad si fudud u ogaan karayso in sida caqiidada oo kale ay meel ka wada taagan yihiin arrimaha khuseeya siiba kuwa dadyowga deriska ku aaddan oo ay fikirka guud ka wada siman yihiin.

Iyada oo la ogyahay inay adag tahay in la beddeli karo rayal caamka Somalida kale lana hubo inu yahay mid aan dhayal ku suulaynin ayaa waxad taa ka dheehan karta marka aad dadkooda caadiga ah deristo min carruur ilaa waayeel, min aqoonyahan ilaa suuq joog, min haween ilaa dhallinyaro, min culimo ilaa siyaasi mi madax dhaqmeed ilaa baayacmushtar, min askari ilaa shaqaale, min qabiilooyin ilaa gobollo adigoon waxba dhaafin heerarka mujtamacu u ka kooban yahay ayaa kaaga filan inaad kala dhex baxdo baadhiaankaasi tusaale cad oo kuu iftiiminaya in xaalkoodu joogo halkii lixdankii ee aanay Somaliland u arkaynin wax istaahila in laguba xisaabtamo markay joogto awood qaybsi iyo in aanay lahaynba wax xuquuq ah oo dhanka rabitaanka ah sida inay u doodaan xuquudooda si sedka ay leeyihiin loo siiyo.

Ma jirto wax ka xun in nin wlaalkaa sheeganayaa oo af macaan ku hadlayaa uu haddana kugula kaco duudsi intaa leeg iyo cunsuriyad kaba daran tii isticmaarka. Walaalaha kala weyn waxa u caado ah in kan rooni u masuuliyad iska saaro ilaalinta walaalkiisa ka yar, balse mujtamacyo isu tegay sidaa maaha ee talo wadaag ayaa ka dhaxaysa, waxaana ka dhaadhacsan in Somaliland ay tahay meel yar oo ay Somalida ee iskaga dhowdhow soo hoos galaan waxna aan laba weydiin doorasho iyo hammi kalena in ay yeeshaanba aan loo oggolaan. Yaraysiga walaalnimada ee heerarkaa gaadhay ayaa ahaa kii leexiyay majarihii dawladnimo ee lixdankii xilli weliba loo hanweynaa midnimo ummadeed, yaraysigii cabashooyinka ka soo yeehdayay dadweynaha woqooyi ayaa isna ahaa mid aan dhegoba loo jalaq siinnin ilaa wagaasi.

Wax cashar kumay qaadan waayaha keenay in dawladnimadii ay taabbo geli weydo waxse muuqatay in ay dareemeen in meel wax ka qaladan yihiin laakiin waxay garan waayeen saxa wixiii idinka hallaysan waxaanay xalka ka eegeen dhan qalloocan waana markii ay saraakiishii milterigu xukunkii boobeen taasi oo iyana noqotay ka dar oo dibi dhal.

Ma aha wax aad loola yaabo in dhaqankii jirey lixdankii ee duudsiga reer woqooyiga la xalaalaaysto ee ka dhigteen inaan wax denbi ahina ugu jirin wax dhibaato ihina uga imanaynin aynu aragno weli isaga oo halkisii ka sii socda, lana odhon karaba maanta ayuu ka sii daran yahay.

Waxa laga yaabaa in dadka aan reerka koonfureedka aqoon sidaa badan u lahayn ay ku adkaato qiimaynta dadka laga hadlayo u is weydiiyo uun su'aalo badan balse xalkooda uu u dhigo in wax la maarayn karo ay yihiin, matalan haddii aad ka eegto sida qaar ku doodaan waa isku dhaqan, diin iyo af ayaa haddana ah mid iyadu isu jawaabaysa oo sheegaysa in sidaasi aanay dammaanad qaadaynin in lagu kala nabad galo ahna mid si ficil ah u muuqata.

Haddiiba aad u sedburiso oo kaba soo qaad aad tidhaahdo duulku caqli xumaa, maxaa haddii ay midnimo doonayaan u diiday inay maslaxan Somaliland ama ay u aqbali waayeen mas'uuliyadda dunuubtii hor udhacday, waxad jawaabta ka eegtaa waxay ka yeeleen arrinkan Mohamed Ali Samatar oo ay dhammanba isku raacsan yihiin in xasuuqii loo gaystay boqollaalka kun iyo barakacii malaayiinta la baday aanay mudnayn in la isku maxkamadeeyo oo uu kaba qiimo weyn yahay shakhsigii gacan ku dhiiglaha ahaa ee falalkaa ku kacay, waxa la yaab leh in gaaladii caddaank ahayd ay walaalnimo dhaamaan kana eegeen wixii dhacay dhanka ibna aadminnimada.

Bal u fiirso sida sida ay kuula jihaadtamayaan, maalintii ay heleen aqoonsiga USA ee inay yihiin dawlad rasmi ah ayaa kuwa Xamar ka arrimiyaa ay arkeen inay qiil u heleen mar kale ay ku dalban karaan xasaanaddii Ali Samatar ay maxkamaddu hore uga diidday ee ahayd ma lihid dawlad jirta. Maanta ayay si nacabnimo leh oo ka xadgudub ku ah talada loo dhiibtay ay dulmigii ay dawladdoodii u dambaysay fashay tan haddeer la aqoonsadyna ka dhigatay hawl galkeedii ugu horreeyay inay Political Immunity u fidiso Ali Samatar.

Waxad ogaataa nimanka sidaa ku bahdilayaa inay dhanka kale wadaan afkii macaanaa oo ay leeyihiin ma kala maarannee aan shir isugu nimaadno, waxaanad ogaataa in Prime minister Shirdoon afkiisa ka yidhi bil ka ho xoog ayaannu ku qabsan doonna Somaliland, markaa waxba iima sheegayo siyaasi maanta talada Somaliland haya oo ma garatada isaga dhiga inay sir kale og yihiin oo ku kallifta shirarka kuwaa la gelayo.

Ali Mohamoud Noor

No comments: