.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, March 26, 2013

Xukuumada Oo Wadda Diyaarinta Xeerkii Lagu Soo Dooran Lahaa Golaha Cusub Ee Guurtida Iyo Kii Wakiilada Oo Cirka Ku Laalan

 
- Xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha guurtida Somaliland ayaa la sheegay in xukuumadu ay ku hawlan tahay curintiisa, isla markaana ay socoto diyaarinta xeerkaasi oo muddo ku dhaw labaatan sano aan samaysnayn. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun-daloola Madaxtooyada ayaa sheegay in diyaarinta xeerka lagu soo dooran lahaa golaha Guurtida ee badali doona golahan hada, oo muddo 16 sanadood ah kuraasida ku fadhiyay ay xukuumadu diyaarinayso, taas oo ilo wareedyadu tibaaxeen in xukuumadu xeerka cusub ee golaha Guurtida lagu soo dooran doono ay ka dhigtay xeer xulasho oo xubnaha golaha Guurtida lagu soo doorto habkii hore ee saami qaybsiga beeluhu ay ku soo kala dooran jireen 82-ka xubnood ee golaha guurtida, taas oo meesha ka saaraysa in golaha Guurtidu ku yimaado doorasho toos ah.
 
Waxa kale oo ila wareedyadu intaasi ku darayaan in golaha guurtidu ay la dhacsan yihiin in qaabkii hore ee beelaha lagu soo doorto golaha cusub ee golaha guurtida oo la filayo in bisha April ee 2014-ka la soo xulo. Xukuumada ayaa la sheegay inay dhawaan usoo gudbin doonto golaha wakiilada xeerkaasi xulashada golaha guurtida.
 
Dhinaca kale xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha cusub ee wakiilada ee badali lahaa golahan wakiilada ee dooarshada ku yimid, balse muddadiisii sharciyadu ee shanta sanadood ay ka dhamaatay dabayaaqadii 2010-kii ayaan ilaa hada samaysnayn, iyadoo xeerkii hore ee lagu soo doortay golaha wakiilada ee muddo kordhinta ku fadhiya uu xiligiisu doorashadii golaha Wakiilada ee dalka ka dhacday 29 September 2005-tii, taasoo sharciyadu dhigaysay in doorashooyinka dambe ee golaha Wakiilada loo dajiyo xeer cusub oo lagu soo doorto xubnaha aqalka wakiilada, kaas oo ilaa hada aanay samaynin golaha wakiilada iyo xukuumadu xeerkii lagu soo dooran lahaa golaha cusub ee badali doona golahan hada, oo muddo kordhintii ay ka dhamaanayso bisha June 2013-ka.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: