.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, April 26, 2013

Amiin Caamir: Nin Ka Aradan Dhaqanka Somalida!!


- Murran kama taagna aqoonta sawir gacmeed ee uu Eebaheen hibada u siiyey Mr. Amiin Caamir. Waxa aan halkan ku qirayaa in uu ninkaasu yahay nin dadaalay oo inta badan soo gudbiya sawiro qurux badan oo ka turjuma hadba waaqiciga taagan.

Auunkana ma jiro qof perfect ah ama wada dhameystirran oo ceeblaawe ah. Mr. Amiin ceebtiisu waxa weeyi : Aqoonta uu u leeyahay dhaqanka Somalida, gaar ahaan ka Reer Somaliland, oo aad u xadiddan ama u kooban. Inkasta oo uu Somali ku abtirsado hadana kolka loo fiirsado sawiradiisa waxad arkeysaa in uu ku marganyo kolka ay taagan tahay arrimaha dhaqanka iyo qabaa'ilka. Galdaloolada dhaqan iyo nukhsaantaa Amiin waxa si fiican u arkay koox liddi ku ah Somaliland oo ka faa'iideysatay. Kooxdaasu waxa ay ku guuleysteen in ay u yeedhiyaan oo u laqimaan kolba fikirka ay aaminsan yihiin. Waxa ay ku guuleysteen in Amiin Caamir uu u noqdo budhkii ay la dhici lahaayeen Somaliland.

Amiin Caamir xaalada guud ee Somaliland kolka uu wax ka tilmaan is-yidhaa waxa uu macluumaad u doontaa kuwo cadow u ah. Ceebi kuma jirto in uu xataa soo gudbiyo afkaarta dadkaasu ay ka qabaan Soamaliland, laakiin waxa ay milgaha saxaafadu tahay in uu sheego oo uu cadeeyo fikirkaas cidda iska leh ama u soo gudbisay ee aanu aheyn mid isagu leeyahay.

Aqoondarada ka haysata Somaliland waxa ka mid ah sawirka uu dhowaan khariidada Somaliland uu 4ta gobol ku tilmaamayo.

Somaliland kolkii ay xornimada qaadaneysay 1960kii, waxa ay aheyd entity kaliya oo loo yaqaanay British Somaliland Protectorate ee may aheyn sida uu sawirka ku dhigay 4 gobol. Haddii uu ujeedadiisu tahay qabaa'il ayaan u kala qeybinayaa Somaliland, iyadana khalad ayaa ku jira. Somaliland 4 qabiil ma degaan ee waxa dega dad intaa ka badan. Khaladka kale ee ku jiraa waxa weeyi, Awdal oo laba qabiil oo waaweyni degan yihiin mid ayuu ka dhigay halka uu Maakhir iyo Kaatumo oo qolo qudha isku ah ka dhigay laba.

Khaladka iyo gefka kale ee uu galay waxa weeyi Khatumo dhulka ay sheegtaan ee Sanaag, Sool iyo Cayn intaba waa lala degaa oo qabiil gaar uma laha. Maakhirna iyaguna waa sidoo kale oo gaar uma aha dhulka ay sheegtaan.
Khaladka ugu weyn ee daliilka u noqonaya ama cadeynaya in fikirkan uu soo ergistay oo loo soo yeedhiyey waxa weeyi: Sida uu khariidada u dhigay.

· Ayaa survey ka qaaday Somaliland sida ay qabaa'ilku u kala degan yihiin?

· Imisa square kilometer ayey beel waliba ka degtaa Somaliland?

· Boqolkiiba intee ayey beeluhu ka degan yihiin?

Su'aalahaas iyo kuwa kale oo badan oo jawaabtoodu runtii aanay sahlaneyn, rasmiyana loo heyn, in waxa la iska malmaluuqaa waa gef weyn oo umaadda Reer Somaliland laga galay.

Gefka iyo deelqaafka ninkani ku hayo Somaliland waa badan yahay. Waxa ka mid ahaa kolkii uu soo sawiray fikirkii Saado Cali u dhiibtay ee ahaa Dhiigyacab - Cali Samatar waxa lagu eryanayaa beesha uu ka dhashay oo aan cudud laheyn. Waxa kale oo ka mid ah Madaxweynaha JSL oo ka seexanwaayey Kaatumo Seeg iyo qurbameer.

Fool-xumada sawirada Amiin waxa ka darran, warbaahinta aan indheergarad aheyn ee Reer Somaliland ee kool-koolisa ninkan dhaqanka Somalida iyo anshaxeedaba ka arradan ee laasimay waxa ay u yeedhiyaan cadowga Somaliland. Warbaahinta Somaliland ee sidaa yeesha waxa haboon in ay ka fiirsadaan sawirada Amiin Caamir.

- Amiin caamirna waxan u soo jeedinayaa:

1. In Kolka ugu horeysa uu malcaamad lagu barto dhaqanka dib u galo oo uu A-Zka qabaa'ilka Somalida kala barto si uu uga xoroobo kuwa xuurtada ku haysta ee aqoonta dhaqanku ugu tar sheegta oo uu apology ka bixiyo afkaarta khaldan ee uu soo gudbiyo khaasatan kuwa badan oo ka soo tabiyey Somaliland.

2. In uu geesinimo, waa hadii uu leeyayay, la yimaado uu kala cadeeyo afkaartan uu soo gudbiyo inay tiisii tahay iyo inkale.

3. Kolkaa hadii ay tiisa tahay ha ogaado in gef uu Reer Somaliland ka galay. Hadii kale ha is-baraxo oo ha sheego in aanay fikradiisa aheyn ee ay tahay tu dad kale leeyihiin maanta dabadeedna sidaa ha ku bayaamiyo sawirada noocaas oo kale ah. Waayo xaq looguma laha in la yidhaa jooji, laakiin waxa xaq loogu leeyahay in uu mas'uul ka noqdo isagu hadii ay fikradiis tahay, hadii kalena uu sheego cidda ay fikradeed tahay.

Allaa Mahad Leh

Cali Aw Xuseen

No comments: