.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, April 23, 2013

Bukaan-socodka Oo Boob, Dhac Iyo Been La Iskugu Daro


- Rooxaan/Jin ayaa dibadda ka keenaya dawadaadii!!Musnimaaniyadaha, jinka, shaydaanka iwm anagaa naloogu yeedhaa oo karbaashna!! Dharaarba dharaarta ka dambeysa ayaa waxad arkeysaa ama aad maqleysaa goob ama meherad cusub oo ku andacooneysaa in ay hayaan adeeg caafimaad oo dabiib iyo dawooyinba leh.

Waxa la yidhi: Nin Buka boqol u tali.

Qofka buka sidiisaba waxa uu u dhaganugulyahay meel alaale iyo meeshii adeeg caafimaad loogu sheego. Meheradahaasu iyagoo taa ka faa'iideysanaya ayaey waxa ay usoo tafaxayteen boobka hantida dadka ay baahida caafimaadku hayso ee jilicsan. Goobahaas runtii ehel iyo wax u dhow toona uma aha caafimaad. Nasiib daraduse waxa ay tahay, halkii ay adeegooda khaldan si qarsoodi ah u wadan lahaayeen maanta waxa ay gaadheen in xataa warbaahinta casriga ah ay iska xayeysiiyaan.

Waxad ku arkeysaa TV yada iyagoo si kalsooni ku jirto, beentooda ka faafinaya. Waxa ay ka mid ah beenaha ay qaarkood sheegaan in ay yidhaahdaan Samples ka daka laga qaado waxa qaada jin oo geeya laboratories ku yaala dhul shisheeya dabadeedna isla jinkii ayaa soo celiya natiijada kolkaa dabadeed ayey u malmaluuqaan prescription bug ah oo ay iskood u ikhtiraaceen. Qaarkood waxa ay sheegaan in ay daweeyaan musnimaaniyadaha iyo jimanka dadka gala. Qaarkood dawadoodu waxa weeyaan in ay dadka inta silsilad lagu xidho la karbaasho oo jeedal la dhacaan iyagoo leh wax ku jira ayaanu garaaceynaa.

Bukaan badan oo dabiib kasoo raadsada goobahan waxa inta badan ku dhaca hanta badan oo laga dhaco, caafimaadkey doonayeen oo aanay hellin. Mararka qaarkood xanuun aanay hore u laheyn ayeey kasoo korodhsadaan .Sobtuna waxa weeyaan cilaajka la siiyey oo aan aheyn midkii uu u baahnaa ee munaasabka ku ahaa. Waxa kale oo soo waajaha burbur dhaqaale, niyad jab maraca qaarkood isku roga cudur nafsaani ah(psychological problem) ay adkaato daaweyntiisu

Dadka sidan ku shaqeystaa oo runtii aad ugusoo batay wadankeena waxa ay ka faa'iideysteen oo u sahlay in ay xirfadahoodan khaldan ay wadanka ku dhex walaaqdaan, arrimo ay ka mid yihiin:

1. Iyadoo aanay jirrin wax riqaabad ah oo aanay wasaaradaha ay khuseysaa ku heyn

2. Iyadoo aanu jirrin sharci ka maanacaya in cid walbaa ay sheegato waxa aanu aheyn oo aan loo bahan in fasax ama rukhsad loo qaato

3. Iyadoo culumadii Somaliland aanay ka hadal diiniyan beenta ay dadkanu sheeganayaan in ay xaq Alle xaaraan ku tahay.

Gunaanad

Hadaba si loo xakameeyo maafiyadan boobka ku heysa dadka inta jilicsan waxa haboon in la qaado talaabooyin deg deg ah oo ay ka mid yihiin
1- In wasaaradaha ay khuseysaa ay wacyi gallin balaadhan sameeyaan oo ay uga digayaan dadku in aanay goobaha caynkaas u doonan adeeg caafimaad. Dadka oo lagu hanuuniyo oo loo sheego in wadanka ay joogaan dhakhaatiir cilmi baahida caafimaad ee ay ka raadsanayaan talada iyo dabiibkana aay kuwaas u doontaan. Inkasta oo ay jiraan baahi loo qabo adeeg caafimaad oo tayadiisu sareyso hadana inta maanta la hayaa ka wanaagsan meheradahan ujeedadooda qudhihi ay tahay in ay hantida dadka boobaan

2- In cid wal oo dooneysa in xirfad ku shaqeysato ,waliba tu caafiimad, aanay sidaa yeeli Karin ilaa ay fasax ka heysataan wasaaradaha ay khuseyso. Rukhsada kolka la siinayona ay shuruudaheeda wadataa sida aqoonta ay sheeganayaan oo la waydiiyo halka ay ka keeneen , shahaadadahooda, iyo cidda siisay.

3-In culimadu ay si baaxad leh usoo bandhigaan diiniyan waxa saxda ah iyo waxa khuraafaadka ah.

Waxa xusid mudan in wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadku marwo Nimco Xuseen Qawdhan ay badhtamihii sanadkii 2012 digniin culus kasoo saartay dhibaatada iyo khatarta ay ku hayaan mehradaha iyo dadka aan ehelka u aheyn dabiib iyo daryeel caafimaad ee ka jira wadanka. Marwo Nimco, Alla ha ka abaal mariyee, waxa ay si mug leh u soo bandhigtay heerka ay gaadhsiisantahay khatartani. Waxa ay sheegtay in xataa dadka u doonta dabiib meheradahaas ay halkaa kasoo qaadaan cuduro cusub oo aanay kolkii hore qabin.Waxa ay tidhi meelahaas waxa ka dhaca in xataa dumarka loogu geysto faraxumeyn iyo tacadiyo kaleba. Wasiirku waxa ay ka dayrisay nadaafafad darrada ka jirta goobahaas ku anadacoonaya waxbaanu daweynaa ,oo ay tidhi waxa si sahlan loogu kala qaadi karaa cudurada faafa ee halaaga dadka.

Nasiib darose farrintaa Wasiir ku xigeenka waxad moodaa in aan loo qaadan ama aan loo fullin sidii waajibku ahaa oo aan cidi dheg jalaq u siin.

Waxa haboon in Marwo Nimco aanay halkaa kaga hadhin hawshaa ay bilowday oo ay daba gal joogta ku sameyso. Maadaama ay wasaaradeedu tahay ta sida tooska ah ay u khuseyso arrintani waxan kula tallin lahaa in ay guddi u saaraan si loosoo afjaro ama loo xakameeyo maafiyadan faraha ka baxday ee ummadda aan u tudheyn.

Linkan ka akhriso warbaxintaa Wasiir ku xigeenku ay bixisay kol ay shir la laheyd qaar ka mid ah dhakhaatiirta wadanka.: http://ogaalnews.net/?p=16029

Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in khuraafaadka lagu maaweeliyo dadka ee odhanaya shaydaano, Jin, iwm ayaa dad gala oo aanu ka saareynaa, aanay diiniyan waxba ka jirrin sida ay daliilinayaan culimo badan oo fiqiga diinta ku xeel dheeraaday.
Wa Billlahi Al-Tawfiiq

By, Yusuf Aw Hussein (Health Care Professional)

Sudan

No comments: