.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, April 11, 2013

Eng, Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Wadahadalaka J. Somaliland Vs Somalia & Qusuliyada Turkey Ka Furanayo JSL Iyo Halka Laga Maamulayo

 
- Gudoomiyaha xisbiga UCID, Faysal Cali waraabe ayaa sheegay in Qunsuliyadii dalka Turkigu ka furan lahaa caasimada Somaliland ee Hargeysa laysku fahmi waayay qaabka uu u shaqaynayo xafiiska Qunsuliyadu iyo halka uu hoos tagayo, waxaanu tilmaamay in socdaalkooda ay ugu baxeen dalka Turkiga ay dawlada dalkaasi kala hadli doonaan xafiiskaasi Qunsuliyada.
 
Waxa kale oo uu tilmaamay in wada hadalada Somaliland iyo Somalia ay maanta si rasmiya uga furmi doonaan magaalada Isanbuul ee dalka Turkiga. Gudoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah xubnaha waftiga Somaliland ka matalaya wada hadalada Somalia oo shalay idaacada VOA uga xogwaramay wada hadlada ay isku hor fadhiisanayaan waftiga Somalia, ayaa ugu horayn Faysal Cali Waraabe isagoo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi;

“Waxaanu doonaynaa inaanu wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ka bilowno 11-ka bishan April magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ma isku darsanaa iyo ma kala baxnaa wakhtigeeda hala gaadho, Somaliland gooni bay isku taagtay”. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay xafiis dawlada Turkigu ay ka furanaysay caasimada Somaliland caqabadaha ka hor yimid oo la sheegay in laysku khilaafay halka uu hoos tagayo xafiiskaasi, waxa uu yidhi;
 
 “Qunsuliyada ay doonayaan inay ka furtaan Turkigu Somaliland qaabka ay u shaqayn doonto iyo sida ay noqon doonto ayaan wali laysla meel dhigin, arrinkaana waxaanu doonaynaa inaanu socdaalkayagan kaga soo heshiino dawlada Turkiga”. Gudoomiyaha Ucid oo la waydiiyay waxyaalaha ka jira in Somaliland codsatay in la hoos geeyo dalka Itoobiya intii la hoos gayn lahaa magaalada Muqdisho ee Somalia waxa arrimahaasi ka jira, waxa uu yidhi ;
 
“Waxaanu la macaamilnaa safaaradaha Ingiriiska iyo Itoobiya, hala furo waanu isla ogolaanay mucaarid iyo muxaafidba, laakiin qaabka loo xukumi doono iyo halka laga xukumi doono waa hawl wali noo laaban”. Gudoomiyaha Ucid isagoo hadlkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray;
 
“Anagu waxaanu leenahay Somaliland iyo Somalia aynu kala noqono, iyaguna waxay leeyihiin yaan la kala tagin, laakiin waa fikrad laga doodi karo, anagu waxaanu qabnaa in lays qanciyo oo laga doodo, waxaanu leenahay anagu Somalia waa in horta la hagaajiyaa, Puntland baa jirta, Kiismaayo iyo Baydhabo ayaa maamul doonaya mushkilada taagani waa Somalia ee waxba ha ku boodina midnimo, Somaliland iyo Somalia horta Somalia hagaajiya, markaa hadhow aynu is afgarano ama aynu is afragan waynee”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: