.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, April 7, 2013

Maayarkii Caasimadda Hargeysa Oo Ku Geeriyooday Abu-Dubai

 
Tacsi:
 
- Allah ha u naxriisto ee waxa habeenkii xalay (07/04/2013) ahaa ku geeriyooday Cusbataalka magaciisa la yidhaa Al-jasiira ee ku yaal imaaraadka carabta (Abu-dubai) maayirkii caasimada Hargeysa Eng. Yusuuf Warsame Siciid. Marxuumka ayaa mudo door ahba u jiifay xanuunkan Hospital-ka. Alle ha u naxariistee marxuum Yuusuf Warsame Siciid ayaa mudo kooban uun xilka maayirnimada ah hayay ka hor intaanu xanuunkani soo ridan.
 
Waxa bilaabmay oo durba lagu jiraa qalqaaladii iyo hawshii sidii lagu keeni lahaa maydka marxuum Yuusuf Warsame magaalada Hargeysa ,  halkaas oo loogu samayn doono aas qaran .
 
''Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun''

No comments: