.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Monday, April 1, 2013

Xukun Cusub Oo Ku Dhacay Dadkii Weeraray Xerada Ciidama Qaranka

 
- Maxkamada Ciidamada Somaliland, oo maanta mar labaad u fadhiisatay dacwada 22 qof oo ku eedeaysnaa inay weerareen xerada ciidamada Qaranka ee bariga Hargeysa, ayaa soo saartay go’aano ka duwan xukunkii dilka ahaa ee ay hore ugu xukuntay 17 qof oo dadkaasi ka mid ah.
 
Maxkamada Ciidamada oo sanadkii hore bilowgiisii 17 qof oo dadkaasi ka mid ah ku xukuntay dil toogasho isla-markaana shan ka mid ah ku xukuntay xabsi u dhexeeya 20 sanadood ilaa xabsi daa’in, ayaa maanta soo saartay go’aan lagu khafiifiyey xukunkaasi hore, waxayna 17-kii qof ee dilka ku xukunaa ugu badashay min 20 sanadood oo xadhig ah, halka ay shantii xabsi daa’inka ahaana uag dhigtay min 15 sanadood.
 
Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Garyaqaan Yuusuf Faarax Sharmaarke, ayaa xukunkiisa u cuskaday qodobada xeerka ciqaabta guud ee 120, 122 iyo 124. Kooxdan ayaa ku eedaysnaa inay weerareen ciidamada qaranka ee ku jiray xerada ciidamada qaranka ee loo yaqaano Warshada Kabista ee bariga Magaalada Hargeysa, waxayna wakhtigaasi weerarka ku dhintay dhowr askarta ciidanka qaranka.
 
Somalilanders

No comments: