.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Thursday, May 2, 2013

(HIPS): Budhcad Cilmi-baadhiseedka Somalia Iyo Deelqaafkooda! * Akhri/Maqal


1- Waa Koox la odhan karo waa Budhcad-Cilmi baadhiseed meel kaga dhacay milgahii hayadaha kale ee Cilmi baadhista ee shaqada wanaagsan qabta! Waa FIDMO cusub oo dhawaan Xamar lagu dhoobo-kuusay,Waxa ay isku magacaabaan (The Heritage Institute for Policy Studies) taa soo ay ku sheegaan inay tahay Hayad madax-banaan! 

Waxaasi waa iska hadal ee waa Qalin-mooryaan, cadaynteeda taa waxa kaaga filan inad akhrido ama aad dhagaystao qoraalada/waraysiyada ay soo saaraan ee aan Jahada lahayn, Bal mid ka mid  ahaa Cilmi-baadhis ku sheegooda oo ah kii u dambeeyay aan soo qaadano, kaas oo ay leeyihiin waxan kaga  hadlaynaa arimo ku saabsan wada-hadalka J.Somaliland iyo Somalia!, Bal akhriste hada nala eeg waxa ay kooxdan Aqoonyahanada Walwaynta isku sheegayaa la shir yimaadeen'

- Waa kan qoraalkii ee Akhris wanaagsan.

2.Taasi uun ma aha aragtida habawga ah iyo war la'ida Nimankaniye bal waxa aad isna nala dhagaysataa wiilkan yar ee ku hadlaya afka kooxdan ee magaciisa la yidhaa; Cabdiraxmaan Ceynte (BBC/voa ayuu mar ka shaqayn jiray?).

 Bal hada dhuux hadaladiisa! *Dhegta-maal

Cali Cumar Xasan

No comments: