.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Sunday, June 9, 2013

Ahmed Ismail: The Visionless Professor, Uma Qalmo Soo Dhoweynta La Siiyey.


- Dadka kuwa ugu aqoonta,  cilmiga iyo garaadka badan ayaan ku jiraa hadana imin kuun baan wax ogaaday, mid laga yeelayo Professorka ma aha, ee waa in uu laba mid  soo galaa...1) Waan badheedhayey oo waan ugu talo galay in  xasuuqii, burkii iyo balaayadii dhacday ee ku habsatay ummadda reer Somaliland aanan ka hadal oo  ka damqan....2) Garaad iyo aqoon li'  ayaa halkaa I dhigay, oo tacliintii iyo aqoontii aan sheeganjireyna waa khasaare oo waa waxba kama jiraan.

 Kalmadda VISION ayaa halheys uu ku celceliyo u noqotay Pr. Ahmed Ismail Samatar kolka uu sharxayo sifaha hogaamiyaha wanaagsan. Sidaa daraadeed waxan maanta laga bilaabo anigu u hibeynayaa Professor magaca ah Pr. Vision/less. Sobobta aan magacaa ugu doortayna  hoos ayaan ku sharaxayaa.

Sideedaba aqoonta la barto oo ay ku jirto ta theoretical ka ah ee laga barto jaamacaduhu waa tuul(tool) aadamahu adeegsado si uu wax uga badalo ama ugu horumariyo noloshiisa. Laakiin waxa nasiib daro ah hadii aadamihii adeegsan lahaa uu garan waayo ama hareer maro habkii iyo hanaankii loo adeegsan lahaa. Si kale hadii aan u dhigo tacliinta hadii maskaxdii adeegsan laheyd garaadkeedu hooseeyo waxay noqoneysaa waxba kuma taal. Tacliinta waxa ka mudan maskaxda Eebaheen ku maneystay adoonkiisa. Tacliintu kaligeed waxba qaban mayso, laakiin waxa dhici karta qof heerka tacliintiisu kooban yahay in uu ummad dhan hogaamiyo oo uu badbaadiyo. Tusaale waxa inoogu fillan odayaashii reer Somaliland ka badbaadiyey burburka iyo qaska ka taagan Somalia iyo meelo kale oo ka mid ah mandaqada Geeska Africa, may laheyn tacliin jaamacadeed oo lagu dhererin karo ta ay sheegtaan Ilma Ismaaciil Samatar. Mr. Visonless, Pr.Axmed, waxan xasuusinayaa in kheyrqabayaashii dhidibada u taagay lasoo noqoshada xorriyadii Somaliland badankoodu heerka tacliintoodu aanay gaadhsiisneyn ta  isaga iyo qeyrkii gaadhsiisanyihiin. Odayaashaasu waxa aragtidoodu(vision) tustay y in haddii aanay sidaa yeellin ay halaag ummaddu ku dhici doonto.

Mr. Visionless, Ahmed, kolka uu ka sheekeynayo hogaamiye aragti fog lahii isagaa si dadban isku tilmaamaya oo isku boqraya darajadaas. Laakiin aragtidaa (vision) wuxu ku akhri kari waayey waaqiciga jira, iyo mabda'ii Somliweyn in uu ahaa khayaali, gabalkiisiina dhacay. Wuxu imikuun ogaaday oo hambabaray kolkii loo sheegay in aanu gayin madaxnimada Somalia.  Ina Samatar kolkii uu soo taabaty gidaar ayuu muslaxaad iyo xodxodasho kulasoo noqday wadankiisii hooyo ee aanu teelo u dhigan burburiskiisa. Ina Samatar kolkii uu hororkii Af-weyne iyo xukuumadiisii ummadda xasuuqayeen lagama maqal isagoo ka damqaday dulmigaa iyo dhibaatada shacabka lagu hayey. Tolow miyaanu arkeyn mise waabu ku faraxsanaa in ummadda sidaa loo dhigo? Jawaabta isagaa la weydiin.

Pr. Ahmed iyo  walaakii shalay may dhallan. Haddii ay aragti iyo garaadbuuran leeyihiin sida ay ku faanaan ee ku andacoodaan maxay u arki kari waayeen waxa ay dadka intiisa badani waayo hore arkeen.  Mise  ma laga yaabaa in ay arkayeen, laakiin ay badheedhayeen  iyagoo ujeedadoodu aheyd ku xumeyn ummaddii ay ka dhasheen ee Somaliland? Jawaabta iyagaa la weydiin. 

Ina Ismaaciil Samatar wuxu ku faanaa, inkasta oo ay iyada lafteedu dhowaan uun la yimid , Gabiley iyo Somaliland oo uu ku dhashay laakiin inta la ogyahay lagama hayo wax tar uu u qabtay. Waxa taa ka marag kacaya isaga laftiisa ayaa sheegaya in aanu galabsan in si mug leh Somaliland usoo dhoweeyaan.

Waxan qabaa in soo dhoweynta Ina Samatar Lagu deg degay. Mr. Visionless uma qalmo maamuuska heerka sare ah ee lagu qaabilay.

Imaatinka Mr. Visionless waxa kasii darran isaga oo aan wali si rasmiya oo cad u cadeyn waxa uu ka aaminsanyahay qadiyadda Soamliland iyo mabda'ii aan la mahadin ee Somaliweyn. 

"Anigu Somaliland waxa aan taro mooyee wax u dhimi mayo" 
"Somalialnd waxan qirayaa in ay wax qabsadeen" 
"Cadaalada ha xoojiyo"
"wax ha la wada yeesho" 
"Vision iyo aragti fog ha lala yimaado"
"Dadbaa odhanaya malaha Axmed mabda'ii Somaliweyn uu ka soo noqday, maya aniga wali halkii ayey iga taagantahay laakiin…." iwm

Hadalada caynkaas ah iyo kuwo kale oo badanba waxa laga hayaa professor ka imika lagu mashquulsanyahay soo dhoweyntiisa. Ninka ku sujuuday ciida Somaliland sida muuqata wali kama hadhin xaalufinteeda oo wuxu aaminsanyahay mabda'ii  mandaqadu, gaar ahaan reer Somaliland,  eedeen. Haddii ninka mabda'iisu sida mugdiga ugu jiro aynu imaatinkiisa u raxleynay, maxeynu ka yeeli doonaa kuwii kale ee wali iyagu kusoo dhiirran kaari la' in ay soo caga dhigtaan ciida xalaasha ah ee Soamliland?  Ilma Samatar burburka Somaliland waxaba ulamey hadhin laakiin tii Eebbe ayaanay noqon.

G u n a a n a d


Pr. Visionless  iyo inta kale ee sidiisa aan ku qanacsaneyn lasoo noqoshada xorriyadda Somaliland in ay wadankooda hooyo kusoo noqdaan waa lasoo dhoweynayaa. LAAKIIN, iskasoo gal uun noqonmaysee waxa ka horeeya shuruudo:

1. Professor ku ha la yimaado geesinimo oo kolka ugu horeysa ha qirto in uu u gafay oo dambi ka galay reer Somaliland. Ha qirto oo ha ka sheekeeyo godadkii uu la damacsanaa in qadiyadda Somaliland lagu aaso ee xag Eebbe ugasuurta galiwaayey. Kolkaa dabadeed reer Somaliland cafis ha waydiisto. 

2. Professorku ha qirto runta oo ha sheego in waxa soo celiyey aanay aheyn hilow uu usoo hiloobay wadankiisii ee ay tahay gidaarka uu soo taabatay awgeed.

Allaa Mahad leh.

Cali Aw Xuseen Cumar

No comments: