.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Friday, June 21, 2013

Siyaasiyiin Xukuumada M/wayne Siilaanyo Ugu Baaqay Inay Dhawrto Xoriyatul-Qawlka


- Siyaasiyiin Miisaan culus ku leh bulshadda Somaliland oo kala ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiya ku xigeenka 3-aad ee Xisbigaas UCID Mujaahid Cali Guray Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng Maxamed Xaashi Cilmi, Wasiirkii hore ee Warfaafinta Boobe Yuusuf  Ducaale iyo Xildhibaan Bashiir Tukaale oo ka tirsan Mudanayaasha Wakiiladda Somaliland ayaa si adag u naqdiyey dhaqamada xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ee ku taxaluqa dhinaca Xoriyatul-qawlka. Haldoorkaas ayaa Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu Xayiraada xukuumadu saartey Wargeyska Madaxbanaan ee Hubaal uu ka qaaday, kaas oo dhawaan Maxkamada Gobolka Maroodi Jeex ay Xayirtay. Siyaasiyiintan ayaa waxay sidaas ku sheegeen Shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Magaaladda Hargeysa, isla markaana wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay Xukuumadda Taladda haysaa ula macaamisho Warbaahinta oo wakhtigii ay mucaaridka ahayd si wayn u barbar istaagay, ugana hiiliyey Xisbigii awooda badnaa ee UDUB ee aakhirkii khilaafka siyaasadeed u burburay.
 
Ugu horayn waxa halkaas ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka 3-aad ee Xisbiga UCID Muj Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), isaga oo ka hadlaya arimo badan oo door ahna, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Madaxweynaha Hadii aad Tidhaahdo Madaxweyne Gudaafadan Iska Xaadh, inta uu kugu soo boodo ayuu ku odhanayaa ha iga xaadhin ee ii daa?? waar Maanta odaygu waxa uu u baahan yahay in la xoreeyo, idinkuna maanta isaga ayaad ka cabanaysaan, walaahi iyo bilaahi madaxweynuhu maanta  halgankii SNM Oo kale in lagu xoreeyo ayuu u baahan yahay, Waxa Laga Xoreynayaana Waa 20 Qof”. 

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay shacabka Reer Somaliland Meel kasta oo ay joogaan ay is weydiinayaan halka uu madaxwyenaha Somaliland ee ay doorteen ku sugan yahay “In Badan oo shacabka reer Somaliland ayaa is weydiinaya halka uu madaxweynaha Somaliland ee ay doorteen uu ku sugan yahay, waa xaqiiq waana la raadinayaa”. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu intaas raaciyey; “Madaxweynuhu maanta Waa Qalin, waxbaa lagu qoraa, waxna waa lagu saxeexaa,hadii maanta dadka ugu xun ay noqotay inta gacanta ku haysa qalinkii wax wanaagsan kuma qorayaan, kuwa ugu dhaw ayaa ugu daran, markaa yaa badbaadin kara Madaxweynaha Maanta Mucaaradka ayaa inta ku dhawdhaw u dhaama, maalin aan la kulmayna waan la kaftamay oo waxa aan ku idhi Madaxweyne Anigu aan kaaga filaado mucaaradka’e ee adigu muxaafadka maad iskaga filaan, qoladda maanta ugu dhaw-dhaw waxa la sheegaya in ay doonayaan in ay wanaagii hore ee Somaliland inta ay ka dabo tagaan ay xumaan ku bedelaan. Waxa taas inagaga filan hal doorasho ayay maanta qabteen, doorashooyinkii la inagu amaani jiray, waxa lagu bedelay, waxa kale oo la inagu amaani jiray xoriyatul qawlka, miyaa dib la inoogu amaanayaa taas, maya waayo cadawgeenii ayaa maanta qalinka madaxweynaha inoo haya”.

Mar uu ka hadlayay Wakhtigii uu Madaxweynaha Somaliland Mucaaradka ahaa waxyaabihii uu jeclaa waxa uu yidhi “Madaxweyne Siilaanyo wakhtigii uu mucaaradka ahaa waxa ka mid ahaa in wax kasta oo dhaca uu ku sheegi jiray cadaalad daro, waxa uu odhan jiray waxa la dhigayaa mudaharaad, waxa yaab leh, bal ila eega dalkeena maanta waxa ka dhacaya, waxa la yidhi Mad-bacad u daabici karta Wargeyska Hubaal Ma jirto”. Gabogadiina waxa uu Cali Guray sheegay in aanu madaxweynuhu ka tagin doonin taariikh wanaagsan, balse hadii uu sidaasi ku sii socdo aanu taariikh la mahadiyay ka tagin, waxaanu yidhi “Madaxweynuhu waxa uu yidhi  waxa aan doonayaa in aan taariikh wanaagsan kaga tago, waxa aan leeyahay Madaxweyne taariikh wanaagsan kamaad tagin, hadii aad sidaas ku sii socoto, Inta Tahriibtu ay jirto, inta xoriyatul qawlka lagu tumanayo”.

Sidoo kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, oo ka mid ahaa afar siyaasi, kaas oo Madaxwaynaha Somaliland ka codsaday in xayiraada laga qaado Wargeyska Hubaal oo dhawaan Maxkamada Gobolka Hargeysa xayirtay. Boobe Yuusuf Ducaale, waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay Xayiraada Wargeyska Hubaal, kaas oo ugu baaqay sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo inuu dhawro Xoriyada Warbaahinta isla markaana uu degdeg u fasaxo Wargeyskaas la xayiray, isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu yidhi;

 “Waxaanu isugu nimid inaanu eray xaq ah u nidhaahno Wargeyska Hubaal, inaanu u nidhaahno xoriyatul-qowlka, waxaanu halkan u fadhinaa wixii dadkan iyo dalkani u burbureen oo xoriyatul qowlku kow ka ahaa, waxaanu halkan u fadhinaa Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo shan sanadood iyo badh hogaaminayey ururkii SNM, oo hogaaminayey xisbiga Kulmiye, ujeedooyinka iyo ahdaafka uu u dagaalamayey ay ahayd xoriyatul-qowlka, ninbaa laga hayey wax walba isa saarayoo laba tagoogood ismaan saarin, Mudane Axmed Siilaanyo ayaa Somaliland madax ka ah iyo Wargeyskii Hubaal-baa xidhan, waxaanu leenahay xadhiga Hubaal iyo waxa ka dhacayaa maaha sharafta Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), maaha milgaha xukuumaddiisa, maaha ka Madaxtooyadda, mid aynu aqoonsi ku helayno maaha, mid la inoogu garaabayo maaha, waa mid la inagu cambaareynayo oo aakhiro la inoogu daadejinayo, waxaanu Magan uga nahay (Madaxwaynaha) in Wargeyska Hubaal la siidaayo, waxaan leeyahay 20-ka Hubaal ka shaqeeya yaan lagu darin kuwa dalka ka qaxaya (Dhalinyarada Tahriibaysa), markaa Madaxwayne sharaftaada iyo milgahaaga maaha (in la xidho Hubaal) ma difaacayno oo wixii eed ah ee ay leedahay halagu qaado ee waxaanu leenahay hala sii daayo Wargeyska”.

Dhinaca kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi, kaas oo  Madaxwayne Siilaanyo u soo jeediyay inuu kali-talisnimada iska daayo oo uu talada qaranka wax ka siiyo waxgaradka bulshadda, waxaanu hadalkiisii ka mid ahaa “Waxa ayaandaro ah in dadkii dalkan u soo halgamay ee uu Madaxwaynuhu ka midka ahaa inaan talo la waydiinin oo dibada looga yeedho dad jooga oo Yurub iyo Maraykan iska joogay oo intaas dalku marxaladahaas soo marayey iska shaqaysanayey, waxyaabaha lala yaabo waxa ka mid ah in bari dhawayd la yidhi waxa loo yeedhayaa dad la taliya Madaxwaynaha, mid ka yimid xagaas ayaan ku idhi waar anagii 30-ka sanadood fadhinay waxba nalama waydiiyey qoladiinan dibada ee loo yeedhayaa ma idinkaa naga talo wanaagsan oo anaga ayaan tolow waxba garanaynin. xaaladu waxa weeyi sida arinku u socdo Madaxwaynuhu maanta ehel malaha oo halka uu taagan yahay waa bilaa ehel, qabiilkan la sheegaana maaha mid ku xidhan oo wax u taraya, kuwa ku xeeranina waa kuwo dhiiga ka jaqaya oo aan waxba taranin.

 Anigu waxaan qabaa wixii la soo halgamay ee aanu ka midka nahay ayaa naxariis u haya, Magaciisu inuu xumaado ma jeclin oo Xisbigii uu xukumayey inuu xumaado ma jeclin, isla markaana dalku inuu xumaado ma jeclin oo waa tii laga dagaalamay, laakiin waxa nasiib daro ah waxa ugu fog isaga kuwii la soo halgamay ee wanaagiisa doonayey ee isaga nasteexa u ah oo laga dhaadhicinayaa in kuwan la joogaa uga nasteexo badan yihiin. Markaa anigu waxa aan qabaa Madaxwaynuhu wuu ehel beelay xaalada uu ku jiro oo anaguna waxa aanu jecelnahay inaanu magacayagu xumaanin oo magaciisa iyo magacayagu wuu isku xidhan yahay, in dalku hagaagana waanu jecelnahay sababta oo ah waa loo soo dhintey oo waa loo soo dagaalamay oo xornimadan dhiig-badan ayaa u soo daatay ee dhayal laguma helin”. 

Eng Maxamed isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi “Laba arin ayuun baan anigu ka dhawaajin lahaa oo midi tahay Madaxwaynuhu bal Xisaabta dib ha ugu noqdo ilayn dhag qudha ayuun baa wax loogu sheegeeye dadkii la soo shaqaynjiray Mucaarid iyo Muxaafid midka ay doonaan ha noqdaane iyaga ayuun baa u naxaya kuwa kale waa cid fijaan shaah ah ka doonaysa, isla markaana waxa u  wanaagsan inuu talo dadka waydiiyo Madaxwaynuhu. Mid kalena waan odhan lahaa oo shay wal oo xumaada waa laga daba-tagaa oo ay inagu balaadhataa, Xaqsoor waxay ina tidhi halagula xisaabtamo oo doorashadii waa lagu shubteya hanalala tashado oo hanala qanciyo , wixii ka dhacayna waynu  ogayn oo maalina waxa la leeyahay guddi baa loo saaray oo waa la heshiinayaa. Mida kale iyada oo dhibaatooyinka jiraa ay badan yihiin ayaa hadana wax laga xumaado ah in guri habeen saqdhexe loo soo dhaco oo aanu arintaas Boolisku ka jawaabaynin oo aanu Madaxwaynuhuna ka jawaabaynin oo aanu bulshadda waxba loo sheegaynin”. 

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng Maxamed Xaashi Cilmi mar uu ka hadlayey Xayiraada Wargeyska Hubaal, waxa uu yidhi “Waxa hadana wax lala yaabo ah in Wargeyska Hubaal inta rag dirayskii Ciidanka xidhani ay weerareen oo la qabtey oo Madaxdii Wargeyskaasnaa qaar gacanta laga jabiyey ayaan hadana iyada oo aan arintaas waxba laga qabanin oo aan ragii Maxkamad la geynin ayaa hadana iyadii amar lagu xidhay, markaa arimahaasi waa nasiibdarooyinka ina haystee waxaan leeyahay Madaxwayne kolay marka arintu dhiiqowdo ayaad guddi u saari doontaaye intaanay wax inaga xumaanin u saar oo wixii inaga xumaaday halkaas ha lagu saxo oo ceebteena Alle ha asturee aynu is asturno, midna xasuusnow oo dadkayagii kula soo shaqeeyey Walaahi inaanaan ku necbayn oo aanaan xumaantaada doonayn, waayo xumaantaadu waa xumaantayada, SNM-bay taabanaysaa, SNM waatii soo halgantay, anagana mar sheekada nagu dar oo maxay idinla tahayda hanagala bakhaylin oo nala tasho oo kuwan ayuun baanu kaa dhicin aad u taag laadahaye”.

Xigasho: Haatuf

No comments: