Tuesday, May 31, 2011

Hees Wadani ah: Ha Samaato Wada dhaha!



HEES




Heestan waxa sameeyay, Abwaanka da' da yar ee  C/risaaq Aadan Cumar .




Siddigteenii dhacantiyo 

Sooraan hasheenii

Hubka loo sifaystee

Soo raadinteediyo

Sahankeedii dheeraa

Sange faras u fuulee

Saynloow libaax-iyo

Ingiriis ka soomaa

Soo celisay nuuroo

Saatirkeena waynbaa

Saaka May ku beegaye

Intaad sacab garaacdaan

Sawd mida ku heestaan

Ha samaato wada dhaha.

---------- ******------------

Maandeeqdii socdaashee

Soof -daran habowdee

Soomaali midowgeed

Sabaday ku noolayd

Ay ka saartay xeradee

Miiga samada duuliyo

Saban-ada dayaamiyo

Kaaraha wax sahaydiyo

Sawaariikhda oloshiyo

Anoon zuu ka baqanayn

Seefta iyo warankiyo

Soodhka aan ku dhiciyaa

Soo celisay nuuroo

Saatirkeena waynbaa

Saaka May ku beegaye

Intaad sacab garaacdaan

Sawd midda ku heesoo

Ha samaato wada dhaha


By Cabdi-risaaq Aadan Cumar ''Gufi''


F.G; Ha la dhiiri galiyo abwaanada Cusub!

No comments:

Post a Comment