Thursday, September 22, 2011

Somaliland oo ($ 700.000) u Gaynaysa Dadka Ku Macaluulaya Xeryaha Qaxootiga ee Ku Kala Yaal Soomaaliya/Kiiniya! * BBC-Somali/ Dhegta maal*


Dad ka kooban wax-garad , Culimo iyo Abwaano reer Somaliland ah oo jooga magaalo madaxda Somaliland ee Hargaysa, ayaa waraysi ay idaacada BBC-Somalidu maanta la yeelatay ku sheegay, inay deeq balaadhan oo lacag ah, cadadkeeduna ka badan yahay Todoba boqol oo kun oo doolarka maraykanka ah ($ 700.000) u qaadayaan dalalka Soomaaliya iyo Kiiniya, iyaga oo deeqdaa wayn gaadhsiin doona walaalahooga reer Soomaaliya ee la isha daran macaluusha iyo abaaraha. Qaar ka mid gudidaasi lacagta qaadaysa oo BBC-Somalidu waydiisay cida gudidan wakiilatay inay tahay dawlada Somaliland iyo cid kale,  ayaa sheegay inaanay lacagtaasi ahayn mid ay shaqo ku leedahayy haba-yaraatee dawlada Somaliland, bal-se ay tahay mid shacabku iska ururiyay dabadeedna iyaga duqayti ahaan u xil-saaray gudoonsiinteeda dadka ku baahan Xeryaha qaxootiga ee Soomaaliya iyo Kiiniya.

Hoos/Sare ka dhagayso warkanoo maqal ah:

No comments:

Post a Comment