Sunday, March 18, 2012

Magasiinka National Geography Oo Somaliland Ku Daray Map-ka Aduunyada.

Africa Political Map

- Magaasiinka magaciisa la yidhaa National Geography ee inta badan faaleeya dalalka ku yaal qaaradaha aduunyada iyo isbedelada dabeecadeed ee sida joogtada ah u guurguura ama u dhaca, iyo waliba isbedelada siyaasadeed ee keena inay dalal kala go'aan ama qaybsamaan oo ay qaabkooda bedelaan, qaar cusubina soo mudh-baxaan sida South-Sudan, Somaliland iwm, ayaa map-cusub oo uu dhawaan ku soo daabacay bogga-giisa (National Geography) iyo website-kiisa ku muujiyay, khariidada siyaasadeed ee Afrika (Africa Political Map). Kaasi oo uu dalka Jamhuuriyada diimuqraadiga ah ee Somaliland si caaqiibo leh uga dhex-muuqdo, dalalka kale ee bah-waynta xorta ah ee guud ahaan Caalamka gaar ahaan-na qaarada Afrik, siiba Geeska-Afrika.

Waa markii ugu horaysay ee inta aan kolay anigu qof ahaan ka war hayo map-ka Somaliland si dhab ah isaga oo xadkiisii qadiimiga ahaa (ka-hor 26 juun 1960) ku sar-go'an, oo ka soocan wadankii aynu isku darsanay ee Soomaaliya uu ugu soo baxao jariidadan afka dheer leh ee National Geography.

*Hoosta riix oo ka bogo '' The Map Of Somaliland*

No comments:

Post a Comment