Thursday, March 29, 2012

Ma Samrine Sidaad Ii Ogayd: Gabay


- Dadka reer Somaliland waxay weligoodba halka ugu saraysa kaga jireen suugaanta iyo hal-abuurka ay ku soo bandhigayaan, dareemadooda kala gadisan ee ku saabsan nolol maalmoodkooda iyaga oo mar kastaba is-waafajinaya curinta maansooyinka iyo waayaha ay ku jiraan;

Haday tahay dhaqankii guunka ahaa ee nolosha miyigeena ama xoolo-dhaqashada ahaa iyo wacaashisii , haday tahay kii ka danbeeyay ee beero-qodoshada ahaa, haday tahay ka kaluumaysga, dhoofista iyo dhul kale u dhalandhoolka iyo haday tahay kan ugu danbeeyay ee magaalo soo galista ah.

Bal hada ninkan reer magaalka ah ee madaniga ah ee  gabaygan qaaliga ah ee  aadka u mcaan duruuftu ka keentay, ee u tiriyay gabadh waayuhu kala kaxeeyay oo joogta Berbera (Saaxil) eeg, iyo erayada fudud ee uu isticmaalay ee hadana xaada iyo jidhiidhicada kaa kicinya.

Saalaxoow,  adaa Soconayoo
qaatay sahadiiye;

Salaama Allah yeelyoow
hadaad Saaxil nabad gaadho;

Sawt-yar oon ku faro iiga gee
Saynab waad heliye;

Saqda dhexe allaylkii hurdada
waan ka salalaa dheh;

Soortana ma cunoo aawadaa
Saa-im baan ahayd dheh;

Sedex goortii aan qado ayaan
subax qureecdaa dheh;

Waxan sararo waynaa beryahan
samay ka dhuubnaa dheh;

Saraawiishii waa iga dhacaan
igu samaynaa dheh;

Hadba aniga oo soconayaan
Sare u qaadaa dheh;

Salaan qudha hadaad soo dirtoo
subax la ii keeno;

Adiga oo sariir ila fadhiya
kama sokayseen dheh;

Sidii aan Santari gaadha ahoon
saami lagu qaybshay;

Sirka gaadhiyadaan kaa dayaa
saan u taagnahay dheh;

Ma samrine sidaad ii ogayd
waan ku sugayaa dheh.

- Dhamaad!

No comments:

Post a Comment