Thursday, May 17, 2012

Ogaysiis: Xaflada *18-ka May 2012‏ (Holland)*


- Waa mar kale iyo xafladii 18-ka May ee sannadkan 2012-ka. Waxa la ogeysiinayaa dhamaan dadweyna reer somaliland ee ku nool wadanka Holland in la qaban doono xafladii aynu sanad kasta bisha May, 18-keeda u dabaaldagi jirnay, kuna muujin jiray dareenkeena iyo sida ay lama taabtan u tahay madaxbanaanideena iyo qaranimadeenu.Waxa xuska maalintan 18-ka May ee qiimaha gaarka ah inoo leh lagu soo bandhigi doonaa khud-bado kala duwan, ciyaaro badan oo hidaha iyo dhaqanka ah. Sidaasi oo kale waxaa habeenaasi halkaasi wacdaro ka muujin doona fanaaniita waawayn ee caanka ah, ee kala ah;

1- Mukhtar Oday,
2- Ismaacill Dulcad,
3- Adan gaab iyo Marwadiisa Faaisa.

Hadaba, waa inoo 19-5-2012 Magaalada Utrecht.

''Gudiga qaban-qaabada Xaflada 18-ka May''

No comments:

Post a Comment