Tuesday, October 30, 2012

Sheeko: Xamaamdii La Deristay Xukuumada

 
- Xamaamad ayaa xaruuntii xukuumadda buul ka samaysatay. Buulkii ayay beedkii dhigatay oo ku dilaacisay. Iyada oo ku faraxsan dhashii yaryard ee u dilaacday, ayay u qadhaab tagtaa. Wixii qadhaab ee ay soo hehso ayay halkaa ku siisaa. Waxaanay isla heshay cuno,  nabagelyo, iyo kalsooni; ilayn xaruuntii xukuumadda ayay la deristaye. Hasa yeeshee, waxaan la filayn ayaa ku dhacay xamaamddii. Iyada oo ka maqan dhasheedii oo u foof tagtay, ayaa waxa buulkii galay mas. Maskii dhashii oo dhan ayuu ka cunay. Markii ay ku soo noqotay buulkeedii iyadaoo qadhaab u sidda dhasheedii ayay midna weyday. Waxay aragtay baalashii yaryaraa ee ka dhacay markii masku mid mid u liqayay. Halkii ayay baroor ka qabsatay. Markii ay baroor kala gooyn weyday, ayaa xamaamad kale u timi si ay u dejiso. Waxay ku tidhi, “Inaad u baroorato dhashii aad weyday waa daw, hasa yeeshee, iska samir oo iska deg. Waxanaad ogaataa, dhal hore oo xamaamna sidaas ayaa mas u cunay; mid kale wuu cuni doonaa.”

“Waa runtaa,” ayay ku tidhi xamaamaddii dhasha laga cunay, “waxan se kuu sheegayaa in aanan dhashii mas iga cunay oo keliya ka murugaysnayn; ee aan ka murugaysanahy oo kale in lagu cuno dhashaydii xaruuntii xukuumadda ee dilka iyo dulmiga laga magansanayay!!!”
 
W/q: Prof. Cabdi-salaam Yaasiin

No comments:

Post a Comment