Monday, October 1, 2012

Tacsi: Maxamad Xaashi Dhamac ''Gaariye'' Oo Xalay Geeriyooday

 
Tacsi: Inaa Lilaahi Wa Inaa Ilayhi Raajicuun.
 
- Warar ka imanaya dalka Norway ayaa sheegaya in Ilaahay naxariistiisa jano ha ka waraabiyee uu habeenkii xalay oo ay taariikhdu ahayd 1-da Oktoobar 2012, dalka Norway ku geeryooday Suugaan-yahankii waynaa ee reer Somaliland, abwaan Maxamad Xaashi Dhamac oo loo yaqaanay ''Gaariye. Abwaan Gaariye ayaa mudoba la jiifay xanuunkan haatan uu u geeriyooday.
 
Abwaan Gaariye oo ahaa nin ilaahay hibo u siiyay curinta maansooyinka waxa uu kaabad iyo dhaabad u ahaa hal-abuurista, waxa uu sameeyay gabayo aan cadad iyo xisaab lahayn waxa uu ahaa ninkii ibo-furay silsiladii caanka ahayd ee Deel-layda la odhan jiray. Waxa kale oo uu ahaa ninkii u horeeyay ee helay miisaanka maansada! Oo macnaheedu yahay inuu baadhis badan ka dib ku guulaystay inuu si cilmiyaysan u kala hufo gododka ay maansooyinku kala leeyihiin tibaaxana, qaabka mid kastaaba ay u samaysanto isaga oo tirooyin kala siiyay ay ku dul-qotomaan. Abwaan Gaariye waxa kale oo uu ahaa aqoonyahan wax ka dhiga, jaamacadaha dalka Jamhuuriyada Somaliland siiba Jaamacada Hargaysa iyo Camuud. Ilaahay ha u naxariisto Abwaan Gaariye.
 

No comments:

Post a Comment