Thursday, November 15, 2012

Miisaaniyadda JSL Ee 2012-Ka Oo Cirka Martay

 
- Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee dalka Jamhuuriyada Somaliland mudane C/Casiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in ay si xoog ah u korodhay miisaaniyada dalka Somaliland, waxa uu wasiirku ku sheegay arintaasi waraysi uu siiyay idaacada BBC-da qaybteeda af-soomaaliga maalintii ay taariikhdu ahayd 12-ka bishan November.
 
Isla waraysigaasi waxa kale oo uu wasiirku markii ugu horreysay uu ku bayaamiyay in ay ciidamada qaranka Somaliland dhawaan qaadan doonaan derejo, isla markaana ay sarkaal iyo askari kastaa ku qaadan doono mushaharka derajadiisa.

Ciidanka Somaliland ayaan darajo haba-yaraatee lahayn taasi oo ka dhigtay in ay ciidamdu qaataan   mushaar isku mid ah, marka laga reebo saraakiisha sarsare. Qorshahan ayaa waxa lagu soo bandhigay dakhliga miisaaniyadda sanadka soo socda ee 2013. Hoosta ka dhagayso waraysigan oo maqal ah!

*Dhegta maal*
http://www.bbc.co.uk/somali/war/2012/11/121112_miisaaniyadda_somaliland.shtml

No comments:

Post a Comment