Thursday, January 17, 2013

C/laahi Suldaan ''Timo-cade'' Iyo Axmed F. Cali (Idaa-jaa).. *Dhegta-maal


- Barnaamijka magaciisa la yidhaa;  ''Dhaqanka iyo Hidaha'' ee laga sii daayo idaacada Maraykanku leeyahay ee la yidhaa Voa-Somali, oo uu soo jeediyo ninka magaciisa la yidhaa Axmed Faarax Cali (Idaa-jaa), oo uu kaga  sheekeeyo gabayo iyo maansooyin kala duwan oo ay tiriyaan hal-abuuro sooc ah oo ka soo jeeda degaamo gaar ah oo uu Idaajaa si gooni ah u daneeyo. 
 
Ayaa hadaba waxa dhacda inuu Idaa-jaa mar iyo dhif ku yara badhxo barnaamijkiisan, suugaan ay ku faro-yaraysteen gabayahano u dhashay Qaranka Somaliland kuwaasoo uu ka mid yahay abwaankii Allah ku manaystay suugaanta dhumucda, dhadhanka iyo dhawaaqa cudoonba lahayd. Waa gabayaagii aad-ka ugu mitiday in qabyaalada laga hortago, waa mudane Cabdilaahi Suldaan (Timo-cade). Ka bogo arartii qaaliga ahayd ee Timo-cade inyar oo ka mid ah oo uu Idaajaa '' amaanaystay''.

*Dhegta-maal''
http://www.voasomali.com/audio/audio/250011.html

No comments:

Post a Comment