Wednesday, January 30, 2013

Madaxwayne Siilaanyo: ''Somaliland Waa Dal Xor Ka Ah Soomaaliya Namana Sheegan Karaan.....*Dhegta maal

 
BBC; - Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aanay dowlad u ahayn isla markaana aanay xukumin jamhuuriyada Somaliland. Hadalkan ayaa Madaxweynuhu waxa uu ka sheegay mar uu maanta khubda u jeediyay labada aqal ee baarlamaanka Somaliland.
 
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay inay ku hawlan yihiin horumarinta Somaliland iyo sidii aan aqoonsi uga heli lahaayeen dunida. Siilaanyo waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ay u sheegayaan inay tashadeen oo aanay jirin cid jujuubi karta. "dowladda cusub ee Soomaaliya waxaan jeclahay inay noo dhaxeyso cilaaqaad wanaadgsan." ayuu yidhi Madaxweynuhu.Warkan iyo ku kaleb riix hoosta;
 
*Dhegta-maal

No comments:

Post a Comment