Wednesday, March 6, 2013

Golayaashii Deegaanada Oo Hawlqabadkoodii Ka Dhigay Mushahar Korodhsi Iyo Shacbiga Oo Dareemo Sas Leh Ka Bixiyay

 
- Golayaashii deegaanada ee lagu soo doortay doorashadii dalkan ka qabsoontay 28 November 2012-kii oo muddo saddex bilood ah xilka hayay ayaa hawl qabadkoodii ugu horeeyay ka bilaabay mushahar korodhsi, talaabadaas oo shacbiga reer Somaliland amakaag iyo layaab ku noqotay, ayaa waxa su’aalo layska waydiinayaa asbaabta keentay in xubnihii golayaasha deegaanada ee raad qaadka ahaa, isla markaana codka tooska ah ay ku soo doorteen shacbigu talaabada ay durba ku korodhsadeen mushaharka.
 
Golayaasha deegaanka ee degmooyinka dalka ayaa laga filayay in bar-bilowga talaabooyinka ay qaadaan noqdaan in qorsheyaal horumarineed iyo waxqabad dhab ah ay ugu wanqalaan xilka iyo waajibaadka loo doortay.
 
Talaabadan mushahar korodhsiga golayaasha deegaanka oo ay ugu horeeyeen golaha deegaanka degmada Burco, oo iyagu badhtamihii bishii December 2012-kii qalinka ku duugay mushahar korodhsiga ay ku Aftaxeen ayaa waxa kaga dayday ilaa inta la ogyahay golayaasha deegaanada Hargeysa iyo Gabilay, oo iyaguna todobaadkii hore cod ku meel marsaday korodhsiga mushaharkooda.
 
Sidoo kalena waxa la sheegay in golayaasha deegaanada ee degmooyinka kale ee dalku ay dariiqan mushahar isku kordhinta ay ku talaabsan doonaan.
Shacbiga reer Somaliland ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa talaabooyinkan mushahar korodhsi ee xubnihii golayaasha deegaanada ay ka bilaabeen hawlqabadkii laga filayay ayaa saluug iyo dareemo sas leh ka bixiyay.
 
Xigasho: Haatuf

No comments:

Post a Comment