Friday, April 12, 2013

Madaxwaynaha J.Somaliland Iyo Wafdigiisii Oo Soo Gaadhay Dalka Turkey

 
- Madaxweynaha J. Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaadhay caasimada dalka Turkey ee Ankara, halkaas oo  si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaraha oo ay kaga horyimaadeen madax iyo masuuliyiin  kala duwan oo ka socda dalka Turkey, kuwaasoo wafdiga uu madaxwayne Siilanyo hor-kacayo markiiba u galbiyay dhanka Hotel-kii uu ku nasanayay.
 
Sida hore ay war-baahinta gudaha J. Somaliland iyo ta dibaduba u shaaciyeen madaxwayne Axmed Siilaanyo iyo wafdigiisu waxa ay ka qayb-galayaan wadahadalkii J.Somaliland Vs Somalia oo maalinta berito ah ka furmi doona dalka Turkey. WYL-News

No comments:

Post a Comment