Tuesday, October 9, 2018

Marwo Edna Adan miyay Gaboowday Toloow mise, Qadiyadii J. Somaliland ayaa God dheer ku dhacday???

- Xalay (07/10/18) waxan dhagaystay waraysi dhinacyo-badan taabanayay oo ay VOA-Somali la yeelatay Marwo Edna Adan. Waraysigaas oo ay qaaday Sahra Ciidle Nuur, waxa ugu xalad badnaa qaybta ku saabsan "wada-hadalka J.Somaliland Vs Somalia." Wariyuhu (Sahra Ciidle) waxa ay su'aalo dhawr ah oo la xidhiidha wada-hadalka u dhaxeeya J.Somaliland iyo Somalia waydiisay Marwo Edna Adan oo ah wakiilka u-qaabilsan J.Somaliland wada-hadalka lala yeelanayo Somalia.

Hadaba, qaar ka mid ah jawaabihii ay Edna Adan ka bixisay su'aalahaasi ayaa noqday kuwo aad ugu duwan kuwii looga bartay Marwo Edna Adan. Bal Akhristoow waraysigan (youtube) hoosta aan ku soo lifaaqay dhagayso, oo markaana ka jawaab su'aasha ah; "Marwo Edna Adan miyay Gabowday Toloow mise, Qadiyadii J. Somaliland ayaa god dheer ku dhacday???

Guji oo Daawo:

No comments:

Post a Comment