Thursday, February 14, 2019

Jaamacadda Hargeysa Oo Billowdey Waxbarashada Sare Ee "Ph.D"

- Mandaqadda Geeska Afrika ayaa inta badan waxa ka dhaca falal la xidhiidha amni-darro iyo waxyaabo nabadda waxyeeleeya, isla markaana waxa jira dedaallo cilmiyan arrimahaasi xal loogu raadinayo oo ay ka mid tahay in aqoonta nabadda kor loo qaado oo la kobciyo. Markii u horaysay waxa Jaamacadda Hargeisa University ee ku taal J.Somaliland, laga bilaabay waxbarashada sare ee darajada sedexaad (Ph.D) oo lagu baranayo cilmiga nabadda iyo horumarka, kuwaas oo ay bixin doonto jaamacadda Qaramada Midoobay ay leedahay ee la yidhaa University for Peace. 

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaasi ka waraystay Agaasimaha Mac-hadka cilmibaadhista nabadda iyo xallinta is-maandhaafyada ee jaamacadda Hargeysa Naasir Maxamed Cali.
Halkan Hoose Riix Oo Ka Dhagayso.

No comments:

Post a Comment