Saturday, June 8, 2019

Sheeko Kale Keen: Dameer iyo Faras

- Isaga oo ka waramaya dhaqanka taban iyo dhaqanka togan, waxa Sheek Abuu Xaamid Al-Gazali, Alla haw naxariistee uu inoo sheegay, in laga yaabo in dadka qaarkii isweydiiyaan, “Haddii Ilaahay banii-aadamka ku abuuray dareenka iyo dhaqanka xoolahu leeyihiin oo kale, dareenka iyo dhaqanka shaydaanka oo kale iyo dareenka iyo dhaqanka malaa’iigta oo kale, sidee loo garan karayaa dhaqanka bani-aadamku ugaarka ah ee uu leeyahay?”

Wuxu Sheekhu ku jawaabay, “Dhaqanka dhabta ah ee la-abuurahaa aan kor ku xusnay uu mid waliba leeyahay waa dhaqanka lagu baadi-sooco ee lagu yaqaan. Tusaale ahaan, dameerka iyo farasku waa laba xaywaan oo gaadiid ah oo banii aadamku fuulo; sidaas ahaan waxa la odhan karaa waa u simanyihiin oo waa laba noole! 

Hasa yeeeshe, sawraca dhabta ah ee farasku waxa uu muuqanayaa oo uu dameerka ka saraynayaa, marka dagaal loo heensaysto. Haddii-se farasku dagaal geli waayo, dameerka ayuu la-sinaadaa. Sidaas oo kale banii aadamkuna wuxu kaga sareeyaa xoolaha waa garaadka iyo ruuxa. Haddii uu garaadkiisa iyo ruuxiisa si wanaagsan u adeegsan waayo-se, xoolaha ma dhaamee waaba ka-sii hooseeyaa!!!”

Dhamaad.

Prof. C/Salaan Yaasiin

No comments:

Post a Comment