Friday, November 29, 2019

Sheeko Kale Keen: Bisad iyo Saaxiib Xoog Weyn

- Bisad ayaa waxay doontay inay yeelato saaxiib xoog weyn. Waxay bisadii istustay, Libaaxa ayaa u xoog weyn ugaadha. Markaa, libaaxa ayaan la saaxiibayaa ayay tidhi. Ka dibna libaaxii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Bisaddii iyo saaxiibkeedii libaax oo maalin wada socda ayaa waxay ku soo baxeen maroodi. ka dibna maroodigii ayaa libaaxii weerary oo dilay. Bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii ka dhintay. Mayse ilaabin himiladeedii ahayd in ay yeelato saaxiib xoog weyn. Waxay nafteedii ku tidhi, Maroodiga ayaa ka xoog weyn libaaxa. Sidaa darteed maroodiga ayaan hadana la saaxiibayaa.?

Ka dibna maroodigii ayay u tagtay oo la saaxiibtay. Muddo markii ay saaxiib ahaayeen bisaddii iyo maroodigi, ayaa maalin iyaga oo ay/kayn maraya ay ku soo baxeen nin ugaadhsade ah oo qori sita.

Ugaadhsadihi ayaa dabadeedna maroodigii toogtay oo dilay. Markale, bisaddi aad bay uga murugootay saaxiibkeedii-maroodi ee la dilay. Hasa yeeshee, may ilaabin himiladeedii ahayd in ay saaxiib xoog weyn yeelato. Ka dibna ugaadhsadihii ayay u tagtay oo la saaxiibtay.

Ugaadhsadihii ayaa bisaddii ay saaxiibeen gurigiisii geeyay. Markay gurigii galeen ayaa ugaadhsadaha xaaskiisi ka qaaday qorigii oo  ay xeraysay. Ugaadsadihina kursi ayuu iska fadhiistay. Xaaskiina kijadii ayay gashay.

Bisaddi waxay is tidhi, Ugaadhsadaha xaaskiisa ayaa ka xoog weyn. Waayo,  Qorigii ayay ka qaaday isna wax hadal ah kuma celin ee kursi ayuu iska fadhiistay. Markaa xaaska ayaa xoog wayn oo aan la saxiibayaa. Ka dibna xaaskii ayay kijadii ugu tagtay oo la saaxiibtay. 

Prof. C/Salaan Yaasiin.  

No comments:

Post a Comment