Hees
Heestan cusub ee magaceeda la yidhaa ''Gabilayeey ma nabad-baa'' waxa midhaheeda sameeyay abwaanka da' da yar leh ee magaciisa la yidhaa, Cabdi-risaaq Aadan Cumar. Waa hees sumadii iyo sawracii qodaalnimo u idil yihiin, oo badhax la'.
Caradaan gurguurtee
- Laygu soo gardaadshiyo
- Goshii laygu dhalay iyo
- Gurigaan ku ababaay.
Gar wadnaha ku yaal iyo
- Sambabada guntoodiyo
- Maskaxdiyo garaadkiyo
- Gibilkiyo jidhkaygaay.
Gasiin-ka u macaaniyo
- Inta gawsku dooniyo
- Galey iyo xasiidiyo
- Garow iyo hadhuudhiyo
- Gargaar eebe keeniyo
- Gobol lagu nagaadaay.
Gulufkiyo collaadaha
- Maalintay guracantahay
- Galka seeftu qabaneen
- Gamaan aan ku duuliyo
- Gamaskiyo hubkaygaay.
Gudin iyo hangooliyo
- Inta guriga oodee
- Laga dayo gargaarkee
- Gaga madhan yagleeshaay.
Gayaan xulashadiisiyo
- Inta gabadh la-xiisiyo
- Gaari laga xishoodiyo
- Geenyo Madarka joogtiyo
- Gacal iyo xigaaleey.
An soo gaabsho hadalkee
- Heestaydu waa gaar
- Hirwadii galbeediyo
- Wuxuu gabaygu leeyahay
- Gabilayeey ma nabad-baa.
Gabalkoo dam yidhi
- Cidla' iyo gabaahiir
- Guuraha habeenimo
- Dayaxaan ku gudayaay.
Garyaqaanka beeshiyo
- Guurti lagu majeertiyo
- Beeldaaje guudiyo
- Geesi hooyadeedaay.
Marna giir sacaygiyo
- Dhiin geesa wayn iyo
- Ido gorod madaw iyo
-Geela aan ku faanaay.
Giddigeed ugaadhiyo
- Biciid gaado wayn iyo
- Geri iyo haldhaa iyo
- Garanuugta yaacdiyo
- Inta guunyo daaqdiyo
- Dooxii Goggaysiyo
- Gadab iyo Wajaalaay.
Botoroo gujoogtiyo
- Gada Arabsiyaadiyo
- Geedo wada rumaaniyo
- Bartiikh garab istaagiyo
- Canab lagu gardaadshiyo
- Digir wada guduudiyo
-Guri lagu badhaadhaay.
Hoobaanta geedkiyo
- Midhahaynu guraniyo
- Gobka aad taqaan iyo
- Geed gaabka hoosiyo
- Gombosh iyo mudhcaaniyo
- Dhafaruurta goofkiyo
- Deeq guule beeraay.
Aan soo gaabsho hadalkee
- Heestaydu waa gaar
- Hirwadii galbeediyo
- Wuxuu gabaygu leeyahay
-Gabilayeey manabad-baa.
Waxa heestan erayadeeda curiyay,
Abwaan Cabdi-risaaq Aadan Cumar.
(UK)
F.G; Ha la dhiiri galiyo hal-abuurada cusub ee da'da yar.
No comments:
Post a Comment