Qudbadii xuska 20-jirsiga Somaliland ee uu jeediyay madaxweynaha Somaliland mudane, A.M.M ''Siilaanyo''
Qudbada oo dhawaaq/maqal ah, Halkan hoose guji. ' Dhegta maal''
http://www.radiohormuud.dk/audioplayer.php?id=1511
Maanta oo ay taariikhdu tahay 18 ka May waxaynu u dabaaldagaynaa sannad-guuradii 20 aad ee dib ula soo noqoshada madaxbannaanideena. Maalintani waa maalin ku weyn Qarankan Somaliland. Mudanayaal iyo Marwooyin, munaasibada maalintan qaaliga ah waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacbiweynaha reer Somaliland dibad iyo gudo meel kasta oo ay joogaan, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa ciidamadda kala duwan ee Qaranka, kuwaas oo ka mid ah astaamaha iyo tiirarka uu Qarankani ku taagan yahay.
Sidoo kale, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhammaan golayaasha kala duwan ee Dawladda, kuwaas oo ah unugga iyo aasaaska Qaranimadda. Waxaan kale oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa duqayda, waxgaradka, madaxdhaqameedka iyo culima-awdiinka kuwaas oo ah mudankii badbaadiyey bulshadan aan maanta hoggaaminayo. Waxa xusid mudan, oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhalinyradda iyo aqoonyahanka oo ah kuwii dhiigooda ku waraabiyey dhalashada gobanimadda.
Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhammaan haweenka, iyo hooyooyinka Somaliland kuwaas oo ah gunta iyo salka ay Somaliland ku fadhido. Mudanayaal iyo marwooyin inagoo xusayna taariikhd iyo qiimaha ay maalintani leedahay, bal aan dib u milicsado sooyaalka taariikheed ee maalintani leedahay. Sida aad wada ogtahiin Jamhuuriyadda Somaliland waxay ka mid ahayd dalalkii ay qabsadeen dawladahii Yurub ee gumaystay ummaddo badan oo caalamka ka mid ah Qarnigii 19 aad, iyada oo noqotay maxmiyad boqortooyadda Ingiriisku maamusho, kuna magac-baxday “Somaliland Protectorate”.
Ummadda Reer Somaliland halgan dheer ka dib, waxa ay xorriyadoodii ka qaateen Boqortooyadda Ingiriiska 26/06/1960. nasiib-darro, xorriyadda aynu gaadhnay lixdankii maynaan calfan, oo waxaynu si aan ka fiirsasho lahayn u luminay dawladnimadeenii. Arrintaasoo ina dhaxalsiisay inay halgan dheer oo siyaasadeed iyo mid hubaysanba u galno lana soo noqono Madaxbannaanideena. Halgankaasi dib u xoraynta waxa hormood ka noqday ururkii hubaysnaa ee SNM, oo dibad iyo gudaba ay u dhammayeen shacabka Reer Somaliland.
Shirkii Gooni-isu-taagga iyo la soo noqoshada Madaxbannaanida Somaliland ee Burco ee 1991.
Haddaba, walaalayaal waxa halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baaba’een dabadii, aynu ku guulaysanay inan la soo noqono xoriyadeenii. Horraantii 1991 kii, dhammaan beelaha Reer Somaliland waxay shirweyne Qaran oo aayo ka tashi ah isugu yimaadeen magaaladda Burco ka dibna ay go’aansadeen, inay dib ula soo noqdaan xornimadii iyo dawladnimadii.
Iyadoo halkaasi lagu dhisay dawlad Qaran oo ay u dhan yihiin dhammaan Beelaha reer Somaliland, xukuumadaasi oo uu madaxweyne ka noqday Marxuum, C/raxmaan Axmed Cali (Tuur).
Walaalayaal waxan soo galnay wadan burburay dhaqaale ahaan, dhisme ahaan iyo maskax ahaanba iyadoo haba yaraatee wax dhaqaale ah oo aynu sidanay iyo mid aynu ugu nimid midtoona aanu jirin. Xukuumadii la dhisay waxay bilawday dhisida haykal dawladnimo, waxaana loo tafaxaytay sidii dib u dhis loogu samayn lahaa dalka, isla markaana loo soo celin lahaa nidaamkii iyo kala danbayntii.
Shirkii Badbaadinta Qaranimadda Somaliland ee Boorama 1993 kii:
Shirweynahii Boorama waxa mar labaad isugu yimid dhammaan Beelaha iyo Deegaamadda Somaliland, waxaana lagu soo dhisay xukuumadii uu hogaaminayey Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal. Xukuumadaasina waxay taabo-galisay horumarkii, waxaanay dhammaystirtay hannaankii iyo haykalkii dawladnimo.
Aftidii Dastuurka iyo Madaxbannaanida Somaliland
Waxa Qarankeenan curdinka ah iyo shacabkiisa muhiim u ah in laga gudbo dawladii ku dhisnayd qaab beeleedka, loona gudbo dawlad ku timaadda hannaanka xisbiyadda badan si taa loo gaadhana sannadkii 2001 da, waxay ummadu u codaysay aftidii Dastuurka oo 97% u coddeeyeen gooni-isu-taaga Somaliland iyo hargalinta hannaanka dimuqraadiga ah.
Geeridii Alle ha u naxariistee, Marxuum Maxamed X. Ibraahim Cigaal ka dib waxa la qabtay doorashadii Madaxweynaha sannadkii 2003 da, taasoo uu talladda dalka ku qabtay madaxweynihii iga horreeyay Mudane Daahir Rayaale Kaahin. Doorashadaasi ka dib waxa ummadda reer Somaliland u qabsoomay doorashadii Wakiiladda iyo Doorashadii Madaxtooyadda 26 June, 2010, oo markii laba Madaxweyne ay si silmi ah ula kala wareegaan xilka (Transfer of Power), taas oo beesha caalamka aynu kaga kasbanay sumcad iyo qadarin.
Walaalayaal waxaan aaminsanahay inaynay inoo suura-galeen tallaabooyikaasi oo dhammi, haddii aydaan idinku masuuliyadda dalkiina xil iska saarin, Eebana aanu inoo aqbalin waxaana xusid mudan in laga mahad-celiyo wax-qabadkii ay suuro-galiyeen xukuumadihii iga horreeyay.
Maanta iyo Xaaladaha kala Duwan
Walaalayaal, iyadoo hadda lagu jiro sannadkii koowaad ee aan talladda dalka hoggaaminayey, maanta ka hadli maayo wixii ay qabatay xukuumadaydu ee waxaan xusayaa wixii Qarankan u qabsoomay 20 kii Sannadood ee aynu haysanay madaxbannaanideena, hadday tahay mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid horumarineed marka la isku soo wada xooriyo waxa Qarankan u qabsoomay waxa ka mid ah:
- Nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha ee ka dhacday goobaha kala duwan.
- Dhisidii Maamulka iyo dawladnimadda Somaliland.
- Samayntii dastuurka iyo xeerarka u aasaaska ah Maamulka Dawladnimo.
- Abuurista iyo taabo-galinta hay’adaha Dawladda iyo kaabayaasha dhaqaalah.
- Sugida ammaanka iyo suurtagalinta kala-danbaynta.
- Fidinta maamulka iyo meel-marinta caddaaladda
- Samaynta Baasaboor iyo lcag u gaar ah Somaliland.
- Ilaalinta xoriyaadka iyo xuquuqda aadamaha.
- Dhisida hannaanka xisbiyadda badan iyo qabashadda doorashooyinka.
- Horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka.
- Hagaajinta dakadaha, madaaradda iyo waddooyinka.
- Horumarka dhaqaalaha iyo horumarinta suuqa xorta ah.
Walaalayaal, halkan kuma soo koobi karo waxyaalaha aynu qabsanay mudadii ay Somaliland jirtay iyo waxyaabaha inoo qorshaysnaa.
Caqabaddaha
Walaalayaal, horumarka aan kor ku soo xusnay macnaheedu maaha ma jiraan dhaliilo ama wax dhiman oo u baahan in wax laga qabto, way jiraan oo waxa muhim ah, inaynu qirano oo isla saxno waxyaabahii inaga khaldamay ama dhibaatooyinka jira ee u baahan wax ka qabasho.
Dhibaatooyinka jirana waxa ugu weyn saddex arrimood oo kale ah:
- Ictiraaf la’aan.
- Shaqo-la’aan baahday oo ay dhalinyaradeenu badaha ay iskugu gureen.
- Iyo dhaqaale xumo ina dhaxalsiisay inaynu hanan kari weyno horumarkii loo baahnaa.
Walaalayaal, haddaba si looga gudbo caqadahaas aynu kor ku soo xusnay, qorshaha siyasadeed ee lagu ilaalin karo laguna xoojinayo midnimadda Qaranka Somaliland iyo nabad-galyadda muwaadinka, waxa hagaya tiirar hoos ku xusan oo lagama maarmaan u ah sida:
Muqadasnimadda xuduudaha iyo madaxbannaanida Qaranka Somaliland.
- Maamul-fidinta iyo gaadhsiinta adeegyadda bulshadda goob kasta oo ka mid ah gayiga Somaliland.
- Xoojinta nabad-galyadda bulshadda iyo ka hortagga wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, dadkiisa, dalkiisa iyo dawladnimadiisa wax yeelo u keeni kara.
- Kobcinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo-abuuris loo sameeyo ummadda.
- Raadinta iyo ka midho-dhalinta ictiraafka dalka si aynu u noqono Qaran ka tirsan beesha caalamka.
- Nabad kula noolaansha dalalka jaarka ah iyo farogalin la’aanta arrimaha gudaha ee ummadaha kale ee caalamka.
- Garsoorka iyo meelmarinta sharciga, waxa aasaas u ah gaadhsiinta bulshada caddaaladda iyo sinnaanta sharciga hortiisa (Equality before the Law).
- Hirgalinta hannaaka dimuqraadiga ah iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah.
- Dhawrista xorriyatal-qawlka iyo dhammaan xuquuqda iyo xoriyaadka aasaasiga ah ee qofka. Xoriyadda saxaafadda iyo fikirka muwaadinka.
Nabadgalyadda
Alxamdulilaah, waxa wadankeena ka jirta nabadgalyo taam ah oo Ilaahay loogu mahadnaqo. Dhammaan ciidamadda Qaranka ee kala duwan iyo shacbiweynaha Somaliland waxaan farayaa inay heegan u noqdaan difaaca Qaranka ilaalinta nabadgalyadda iyo adkaynta midnimadda shacbiga.
Waxa hubaal ah in aanu cadawgu kalidii waxyeelo inoo gaysan karin haddii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya.
Waxaanu ka soo horjeednaa kooxaha argagaxisada ah iyo budhcad-badeeda kuwaas oo nabad-galyadda Somaliland ta Geeska Afrika iyo aduun weynaha dhibaatooyin badan ku haya. Waxaanu iskaashi buuxda kala yeelanaynaa Beesha Caalamka gaar ahaan dalalka dariska ah sidii uu gobolkani u ahaan lahaa mid xasiloon. Shacabka Somaliland waxaan kula dardaarmayaa inay nabadgalyadooda ilaashadaan sidii ay awalba heeganka ugu ahaayeen, waayo waxaynu ku noolnahay mandaqad aad iyo aad u xasaasi ah, runtiina dhibaatooyin badan inooga soo gaadheen.
Gogosha Nabadda iyo Tabashooyinka Siyaasadeed
- Gogoshii iyo baaqii nabadeed dad badanbaa ajiibay oo qaarna yimaadeen oo aanu la kulanay, qaarna balansanahay. Waxaanu walaalahayaga reer Somaliland eek u nool Goboladda Bariga ee wali uu ku jiro qoonsimaadku ugu baaqayaa inay nabadgalyadu faa’iido badan u leedahay horumarka dalka iyo dadka.
- Waxa aan diyaar u ahay sidii aan horeba ugu baaqay inay sidii ugu taalo gogoshii nabaddu.
Siyaasadda Arrimaha Dibadda
Dhamaan safaradii iyo kulmadii aanu la yeelanay dawladahii aanu booqanay iyo kuwii ina soo booqday, waxay muujinayeen in hab maamuuskii iyo milgahii dawladnimo ee Somaliland kor loo qaaday, inkasta oo aanay ilaa hadda jirin dawlad ku dhiiratay inay ku dhawaaqdo ictiraafka Somaliland ay mudan tahay. Iyadoo aynu ognahay ahmiyadda ay umadda reer Somaliland u leedahay in aqoonsi buuxda aynu ka helno caalamka, waxa ay xukuumadaydu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaysaa sidii ay Somaliland aqoonsi uga heli lahayd adduunka.
Waxaanu tagaynaa madal kasta oo danta Somaliland ay ku jirt, waxaanu ka codsanaynaa shacbiga Somaliland gudo iyo dibadba inay ka qayb-qaataan olalaha aqoonsi-raadinta Somaliland, iyadoo aynu ognahay doorka muhimka ah ee qurbo-joogu ku leeyihiin dib-udhiskii Qaranka Somaliland. Waxaanu kor u qaadnay xidhiidhka aanu la leenahay wadanadda jaarka ah, waxaanu ka hawlgalnay sidii aanu xidhiidh dhaw ula yeelan lahayn wadanmadda Jabuuti, Itoobiya, wadamadda IGAD, iyo kuwa Carabta.
Soomaaliya
Muddo labaatan sanno ah Soomaaliya waxa ka jirtay nabad-galyo xumo iyo kala-danbayn la’aan, taasoo gaadhsiisay shacbiga Soomaaliyeed burbur naf iyo maalba leh una geystay baro-kac aan xad lahayn. Arrinta oo saamayn ku yeelatay mandaqadda.
Waxay bulshadda Caalamku marar badan isku dayday in la soo afjaro aafadda ku habsatay shacabka, nasiib-darro illaa haddana looma helin xal waara.
Haddaba, waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta Soomaaliya inay u tudhaan dadkooda, danta bulshadana ka horaysiiyaan dantooda, xalkuna wuxuu ku jiraa inaad wada hadashaan, inaad isku tanaasushaan oo isku tashataan.
Dadka reer Somaliland dawladi iyo shiciba waxaan ku bogaadinayaa soo dhaweyntii wanaagsanayd ee ay u sameeyeen dadka ka soo qaxay Soomaaliya, waxaanan ku adkaynayaa in la xaq-dhawro lana ilaaliyo.
Maamul goboleedka Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya oo xasiloon, waxaanan jecelahay inaanu iskaashi ka wada yeelano dhinaycada nabadgalyadda, la dagaalanka budhcad-badeeda, argagaxisadda, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarka balse wax hadal iyo gorgortan ah kama ogolin xuduudaha Somaliland waana lama taabtaan.
Beesha Caalamka.
Beesha Caalamka waxaan ugu baaqayaa in Somaliland la aqoonsado, waxaanan aaminsahay inay leedahay dhammaan astaamahii Qaranimo ee looga baahnaa dal madaxbannaan, waanay u qalmaan dadkeenu inay xoriyad ku noolaadaan.
Waxay dadka Reer Somaliland dadaal tacab ku soo jireen 20 sannadood, miyaanay xaq u lahayn dadka Reer Somaliland inay aayahooda ka tashadaan ilaa iyo goorma ayay sugi doonaan beesha Caalamka?
Beesha Caalamka waxaan weydiisanaynaa inay ictiraafaan Somaliland, si ay bulshadda caalamka uga mid noqoto, una xaqiijiyaan himiladooda una gaadhaan horumar.
Miyaan rabitaanka reer Somaliland la mid ahayn kan bulsho weynta Adduunka, waayo-se cidda Qarankan lala sugayaa?
Goormayse imanaysaa, maxayse dhaxalsiin kartaa bulshadda reer Somaliland haddii uu caalamku dhagaha ka furaysto.
Beesha Caalamka waxaan ka codsanaynaa inay arrinta Somaliland siiyaan mudnaanta ay leedahay, una dhug-yeeshaan in dadka Somaliland ay ku leeyihiin xuquuq la mid ah, tan dadyawga dunidu ay isku ixtiraamaan.
Gabagabo
Waxaan dadkayga Reer Somaliland u sheegayaa, dadaalka ha dhigina, ha daalina, tacabka labanlaaba, isku tiirsadda, gamcaha isqabsadda oo u midooba gobanimadda iyo gooni-isu-taaga Somaliland 100 sanadood haddii ay gaadhayso.
Madaxbannanaida iyo gooni-isutaaga Somaliland waa mid aan laga noqonayn, waanad gaadhi doontaan himilooyinkiina haddii ilaahay idmo Insha Allaahu, wakhti wakhtiyadda ka mid ah waxaad ka mid noqon doontaan beesha caalamka.
Anagoo garawsan rajadda faraha badan ee xukuumadayda laga filayo waxaad ogaataan in aanu isbadalka aynu rabnaa iman karin haddaan gacan buuxda laga helin bulshadda, haddaan cashuurta la bixin, haddaan amniga la wada ilaashan, haddaan midnimadda la dhawrin, hase yeeshee, “Ninna korkiisa biyo kama dhawree, waxaanad ka kalsoonaataan in aanan waxba ka hakran doonin dalkayaga iyo dadkayaga”.
Shacbigayga Reer Somaliland ee qiimaha leh ee qaaliga ahoow, walaalayaal, waxaan idiinka mahadnaqayaa sidaad u ajiibteen baaqii iyo halku dhigii aynu u dooranay sannadkan xuska sanad-guuradda 20 aad ee aasaaska Qaranimadda Somaliland ee ahaa in aynu dareenkeenu u muujino caalamka. Ilaahayna waxaynu weydiisanaynaa inuu inoo fududeeyo kama midho dhalinta himiladeena Qaran iyo halganka aynu ugu jirno horumarinta iyo maslaxadda ummaddeena, waxaan ku kalsoonahay taageeradiina ummadnimo, waxaana aaminsahay in uu Ilaahay inoo hiilin doono oo aynu gaadhi doono mustaqbal fiican Insha Allah.
Illaahaw inagu guulee himilooyinkeena,
AAMIIN, AAMIIN, AAMIINN
Wabillaahi Tawfiiq
(Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland)
No comments:
Post a Comment