.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Saturday, August 4, 2012

Sheeko Xiiso Leh: '' War Boqor ''!


- Nin run sheeg ah iyo nin been sheeg ah ayaa socdaalay. Waxay socdaalkii ku gaadheen boqortooyo ay samaysteen daayeero. Markay boqortooyadii soo galeen, ayaa askartii boqortooyadu joojiyeen oo su’aalo weydiiyeen. Ka dibna intay meel fadhiisiyeen, ayaa warkoodii madashii boqorka la geeyay.

Boqorkii labada nin wuxu ka yeelayo ayuu aad u rogrogay. Wuxuu hoos arrinta u dayoba, talaa ku soo dhacday. Hogaankii baratakoolka madasha boqorka ayuu u yeedhay. Wuxu ku yidhi, “Labada nin ee aadamiga ah ee boqortooydeena yimi ayaan eegaya garashadooda. Haddaba inta aanay madasha iman, wasiiradii iyo madaxdii kale ee boqortooyada u yeedha iyaga oo derajooyinkoodii iyo dharkoodii ugu quruxda badnaa soo xidhay. Ka dibna idinka oo bartakoolka raacaya, qaarna midigtayda ha fadhiisteen, qaarna bidixdayda.”

Hogaankii baratakoolku sidii boqorku u diray ayuu yeelay. Madaxdii oo haybadii iyo hanaankii u sareeyay ka muuqdaan ayaa madashii yimi. Ka dib boqorkii, oo si maamuus iyo milgo leh loo soo dhoweeyay, ayaa madashii soo galay oo kursigii boqortooyada ku fadhiistay.Madaxdiina, sidii baratakoolku ahaa, qaarna midigta ayay ka fadhiisteen, qaarna bidixda. Taajkii boqortooyada ayaa la soo qaaday oo boqorkii madax loo saaray.

Markii maamuuskaasi dhamaaday, ayaa boqorki yidhi, “Keena labadii nin madasha.” Labadii nin ayaa madashii la keenay. Ka dib markii ay madasha salaan boqor salaameen, ayuu boqorki su’aal weydiiyay. Wuxu ku yidh, “Nimanyahow soctada ahi, bal boqornimadayda ka warama?”

Ninkii been sheega ahaa ayaa hadalkii ku horeeyay oo yidhi, “Waxad tahay boqor weyn oo leh milge iyo maanuus weyn!” “Madaxdayda iyo maamulkaygana ka waran?” Ayuu hadana boqorki weydiiyay?” “Waa madax boqor weyn ku haboon oo maamul boqorna hanan kara!” Ayuu ku jawaabay been sheeg. Hadalkii been sheeg aad buu boqorkii iyo madaxdiisii ugu farxiyay. Boqorkina wuxu amray in abaalgud weyn la siiyo.

Ka dibna run sheeg ayuu u jeestay oo ku yidhi, “Bal adna boqornimadayda ka waran?” Run sheeg oo naftiisa ku yidhi haddii beenta abaalgud weyn keentay, runtuna mid ka weyn ayay keeni, wuxu ku jawaabay, “Boqor daayeer ayaad tahay.” “Madaxdayda iyo maamulkaygana ka waran?” Ayuu hadana boqorki weydiiyay. “Waa madax iyo maamul daayeer.” Ayuu ugu jawaabay run sheeg.

Boqorki intu xanaaqay ayuu askartiisii ku yidhi, “Xidha oo ciqaaba ninka boqorkii iyo maamulkiisiiba caayay!!!”

W/q: Prof, Cabdi-salaam Yaasiin

No comments: