- Wakiilka dawladda JSL u fadhiya dalka Kenya Dr. Maxamuud
Cabdillaahi Jaamac (Sifir), ayaa sheegay in aanu aqoonsiga Maraykanku siiyay
dawladda Somaliya wax saamayn ah ku yeelanayn dawladda Jamhuuriyada Somaliland.
Dr. Sifir oo
xogogaal u ah arrimaha diblomaasiyadda gobalka Geeska Afrika, wuxuu sheegay in
Maraykanku aqoonsaday dedaaladii uu sannadihii u dambeeyay geliyay dalka
Somaliya. Dr. Sifir, oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya xalay u
waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ugu horayn ka hadlaya aqoonsiga
Maraykanka oo ay bulshada JSL aad u hadal hayso, waxaanu yidhi,
"Intaynaan
saamaynta dawlada maraykanku ay inagu yeelanayso eegin in aynu dib u eegno
arrimaha weeyaan, marka hore dawladan Maraykanku waxay aqoonsatay wado la
raacayay oo ay daba socotay ilaa 2009kii Jabuuti laga soo bilaabo ilaa Kampala,
waxii ay had iyo jeeraale taageeraysay ciidamadan dalka la geeyay ee ay iyadu
lacagta siiso, waxay aqoonsatay waxa weeye waxii ay taageeraysay waxuu ku
dhammaaday".
Isaga oo
hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi ?In uu dal Soomaaliyeed waligeedba jiro waa la
ogaa, qaramada midoobayna had iyo jeeraale waad ogtahiinoo midnimada iyo wada
jirka mabda?iyan waxba kamay badalin, wax cusub oo halkaas ka yimina ma jiro,
waxan la abuuray ee dawlada noqday maxuu yahay ayaa hadaba is waydiin leh ta
saamaynta inagu yeelan kartaa waa taas ee maaha ta Maraykanka, anigu Maraykanka
iyo Qaramada midoobayba waan la hadlay cid ay wax ka qarsoon yahiina ma jirto,
Dawlada Maraykanku waxa laga yaabaa in aanay wax badan ka aqoon siyaasada
Soomaaliyeed iyo dhaqankeeda, laakiin dawladnimadu waxay tahay iyo halka loo
maro waa ay yaqaaniin iyo waxay dawladu cagaha isugu taagi
karto.?
Sifir, oo
arrinkan sii sharaxayaa wuxuu yidhi, Markaas xaqiiqada Somaliya maxay tahay?
Taasna waa laga wada war hayaa, labaatan kun oo ciidan ah oo shisheeye ayaa ka
dagaalama oo la dagaalama Shabaabka, gobalada in badan ayaa ay gacanta ku hayaan
meelaha laga saarayna maamul looma samayn oo nidaamka loo samaynaayo wax heshiis
lagaga yahay ma jirto, markaas waxay I xasuusinaysaa tani barigii aan aniguba
TFG-da ku jiray ee aan ka noqonay halkan ( Kiiniya ) ayaa laysku qabtya laba
wax, dhinac waxa uu yidhi dib u heshiisiintii waa la soo af-jaray oo waa ay
dhamaatay, qolo aan anigu ku jiraana waxay tidhi waxba lama soo heshiin oo
hadday curad tahaye dadka dib u heshiisiin haloo sameeyo.
Waxa maanta taas lamid
ah dadkan ku hadaaqaya in waxii kala guurka ahaa soo af-jarmay, wax soo
af-jarmay ma jirto, wax is badalayna ma jiro ee wax waliba waa sidiisii
Somaliland meeshee diibay joogtaa, Puntland meesheedii ayay joogtaa oo gabalada
dhaxe waa meeshoodii, markaas dadkan ku hadaaqay waxii kala guurka ahaa ayaa
dhamaadeen waa filin iyo riwaayad iyo dad wax ma garato ah ama aan daacad waxba
ka ahayn.
Markaas
dawlada Maraykanka iyo dawladaha kaleba in Somaliland ay jirto waa la ogyahay,
wadada dheer ee ay soo martayna waa la ogyahay cid dafirsanina ma jirto, waana
tii wada hadalka la bilaabay, hada hadii wada hadalkaas la sii wadana wax lagu
heshiiyay ayay noqonaysaa wada hadalkuna waa inoo wada dan si waxan loo soo
af-jaro.?
Waxa kale oo
la weydiiyay danjiraha suaalahan.
Siyaasadii
labada dhinac ahayd ee uu Maraykanku kula dhaqmaayay Somaliland iyo Somaliya
xagay ku danbaysay, se haddaad tidhi Maraykanbaa xidhiidh la sameeyay ma kala
hadashay qaabka uu Somaliland ula xidhiidhayo?
Waan kala
hadlay Somalilandna sideedii ayaa loo arkaa, waxan wax iska badalayaana waa
dhulka Shabaabka laga qabanaayo ee maamulada loo samaynaayo ee waxii Xamar ku
koobnaa la balaadhinaayo, waana sida qabyada looga saarayo.
UN-ku waxa uu
hadda wadaa sida ay uga hawlgali doonto Somaliya iyo Somalilandba, bisha
saddexaad ee sanadkan ayaana golaha amaanka war baxin la gaynayaa, tilmaamaysa
aayaha iyo mustaqbalka sida qamaramada midoobay ay uga shaqaynayso Somaliya,
waana wax imika la curinaayo waxna waa waxii hore oo isa sii
soconaaya.
Ugu danbaynta
maxaad ku soo gunaandaydaysaa, marka aad eegto hadal hayntan aqoonsiga uu
Maraykanku siiyay Somaliya?
Xaqiiqadu
waxaya tahay inay dawlad cusubi maanta ka abuurantay Somaliya caalamkuna uu is
leeyahay waxbaa dib looga samayn karaa, oo kaalmo loola diyaar yahay, inagana
waxa laynooga baahan yahay in aynu noqono dad xalkaas ka qayb gali kara, waana
in dadkeena la mideeyo oo siyaasadeena dib loo habeeyo oo wada tashi la
galiyo.
Waana in
duruufta cusub ee abuurantay aan layska indho tirin, danta Somaliland iyo ta
Somaliyeed iyo ta geeskuba sidaas ayay ku jirtaa, waxii intaa ka danbeeya haddii
talo wanaagsan iyo da'daal iyo muwaafaqo la helo horaa loo socon karaa waxa
socdana saamayn ayaynu ku yeelan karnaa.
Ugu
danbtaynta wada hadalada Somaliland iyo Somaliya maxaa laga filan
karaa?
Waxa ka soo
baxi kara wax rabitaanka dadka waafaqsan iyo waxa lays dhaafsanaayo iyo sida
danahaaga loo raadinaayo, in aynu markaas inaguna waxaas ka fakarno oo laga wada
tashado, waa layna tijaabinayaa ee waa inaynu tijaabadaas ka hawl
galanaa.
Source: Geeska-Afrika
No comments:
Post a Comment