''Aad ayaan ugu faraxsanahay inan ka qayb-galo furitaanka Cusbitaalkan Caruurta u gaarka ah'' Marwo Aamina Waris
- Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan Xukuumada oo ay ka mid yihiin Wasiirada
Caafimaadka Dr. Xuseen Xoog, Qorshaynta Dr. Sacad Cali Shire, Gudoomiyaha
Wakiilada, Marwada Koodaa ee Somaliland iyo Dhakhaatiir ka socotay dalka
Talyaaniga iyo xubno ka mid ah dhakhaatiirta Somaliland ayaa shalay ka
qayb-galay Munaasibad xadhiga lagaga jaray qayb ka mid ah dhismaha Cusbitaalka
Carruurta ee ay Hargeysa ka hirgaliyeen qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo
Cusbitaalkaasi loogu Magac daray.
Cusbitaalkaas ayaa noqon doona mid u gaar ah
Carruurta isla-markaana qayb ka mid ah lagu bixin doono tababarada caafimaadka,
sidoo kale munaasibadaas ayaa waxa kale oo qayb-galay saraakiil ka socotay
hay’addaha Somaliland kala shaqeeya caafimaadka, kuwaasi oo soo dhaweeyay
cisbitaalka Maxamed Aaden Sheekh, kaasi oo laga hirgaliyey halkii uu hore u
ahaan jiray Cisbitaalkii Jajabka ee Magaalada Hargeysa, oo sanadkii hore laga
raray qoysas danyar ahaa oo loo raray Xaafadda Sheekh Cumar ee koonfurta
Caasimada.
Ugu horayn Marwada Koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina
Waris oo halkaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay inay ka
qayb-gasho furitaanka Cusbitaalka Caruurta u gaarka ah, iyadda oo xustey in
Cusbitaalkaasi wax badan oo loo baahnaa dabooli doono, waxay u mahadnaqday
qoyska Maxamed Aaden Sheekh oo ka hor intii aanu geeriyoon ku sii dardaarmay in
cisbitaalkan laga dhiso Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa, kaasi oo
dhismihiisu socdo, isla-markaana qaybtii koowaad shalay la furay. Marwo Aamino
Waris oo arimahaas ka hadlaysaana waxay tidhi;
“Mashruucani waa mid qof kasta oo
reer Somaliland ah farxad u ah, gaar ahaana anigu waxaan aad ugu niyad samahay
fikradan uu keenay saaxiibkeen Maxamed Aadan Sheekh, Gabadhii uu ka geeriyooday,
Asxaabtiisii ka yimid magaalada quruxda badan ee Torino, dawlda Talyaaniga iyo
shacabka Talyaanigaba.
Kani waa mashruuc
cadaynaya xataa marka fikrad kooban laga haysto inuu yahay mid lagu qanci karo
oo la aamini karo in dadka uu wax usoo kordhinayo. Maxamed Aadan Sheekh waxa uu
ahaa qof aanu aad iskugu dhawnahay, waxaanu saaxiib la ahaa Madaxweynaha, mana
soo koobi karayo sida aanu ugu faraxsanahay fikradiisa iyo dadkii isku hawlay
sidii ay fikirkiisa hore ugu wadi lahaayeen”.
Marwada Koowaad ee Somaliland
iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay intaas ku dartey; “Cusbitaalkan sida uu
sheegay Professor-ku iyo dad kaleba waxa hindisihuusi uu ka dhashay saaxiibkeen
Maxamed Aadan Sheekh, balse mashruucani waa mid isku xidhaya dadka Somaliland
iyo dadka Talyaaniga meel kasta oo ay Talyaaniga ka joogaan.
Aadbaanu ugu niyad
sanahay, uguna faraxsanahay waananu ilaalin doonaa, wixii aanu awoodnana waan ku
taageeri doonaa iyo sidii hore loogu wadi lahaa riyadii Maxamed Aadan Sheekh,
maanta Maxamed Aadan Sheekh Waxa uu meel ku yeeshay Wadnaha qof kasta oo reer
Somaliland ah oo uu ku taageeray Riyadiisii ahayd Cusbitaalkan”. Waxa kale oo
isaguna halkaas ka hadlay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen
Maxamed Muxumed (Xoog), kaas oo sheegay in wasaarad ahaan ay ka go’an tahay inay
dhamaystiraan guud ahaan agabyada cisbitaalku u baahan yahay marka la
dhamaystiro, isla-markaana horeba u diyaariyeen shaqaalihii ka hawlgali lahaa.
Dr Xuseen Xoog isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay;
“Waxa inala jooga Professor-kii dhinaca Caruurta ee Jaamacadda Torino iyo
Professor kale marka waxa aan rajaynayna in dhibaatooyin badan oo dhinaca
Caafimaadka oo jirtay gaar ahaan xaga Caruurta oon wax xal ah loo helijirin
markii hore in hada xal loo helo oo ila marka u horeysa xal loo helo Caruurta u
dhimata Wadnaha isku furma inay dhicidoonto in lagu xakameeyo taas horta
rajadaas ayaynu ka qabna”.
Wasiir Xoog isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu
yidhi “Labadda Cisbitaal waa jaar waxaana dhakhaatiirtu ay ka barandoonaan sida
loo shaqeeyo gaar ahaan Shaqaalahayaga Wasaaradda Caafimaadka ee Cisbitaalka
Hargeysa ee halkan ku xiga ayaa halkan wax ka barandoona hadii ALLE yidhaahdo
iyaga oo halkan ka barandoona Akhlaaqda Caafimaadka ood runtii moodo in uu inaga
yara lunsanyahay waana kuwaasi waxyaabaha Cusbitaalkan cusubi ino
qabandoono,waxa aan rajaynaya in dadkii aan halkan ka rarnay aanay Maanta isku
Ciil kaanbiyidoonin meeshii aanu ka rarnay ee ay ogaandoonaan in wixii ay iyagu
meesha uga fadhiyeen ay ka helidoonaan wax ka wanaagsan oo Caruurtooda iyo
Ehelkooda lagu Xalilidoono xaaladahooda Caafimaad waanay dhicidoonta in qaarka
mid ahi ka faa,iidaysandoonaan Cusbitaalkan”.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaas ka
hadlay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Wasiirka qorshaynta Qaranka iyo
masuuliyiintii kale oo badan, kuwaas oo mahadnaq iyo duco u diray Maxamed Aaden
Sheekh iyo qoyskiisaba. Dhinaca kale Dhakhaatiir ka socday dalka Talyaaniga oo
iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay hiil iyo hooba la garab taagan
yihiin cisbitaalkan oo maanta qaybtiisa Carruurta xadhiga laga jaray.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment