''Anna Schmidt oo ka socotay Ururka Midawga Yurub ayaa iyadu carrabka ku dhufatay in mashruucan uu yahay mid ka qaybqaadana horumarinta, maamul daadejinta iyo xasilooda Somaliland''. Haatuf
- Mashruuca Horumarinta Dawladaha Hoose iyo maamul daadejinta ee loo yaqaan JPLG
ayaa markii ugu horraysay shirka furitaankiisa lagu qabtay Somaliland.
Mashruucan oo wejigii hore oo bilaabmay 2008 ilaa 2012 ayaa wejiga 2aad oo socon
doona muddo shan sanno uu shalay si rasmi ah uga furmay hudheelka Ambassador ee
magaaladda Hargeysa, kaasoo ay ka qaybgaleen Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland,
Wasiirrada Maaliyadda, Qorshaynta, Macdanta iyo Biyaha, Arrimaha Gudaha,
Maayiradda degmooyinka dalka iyo masuuliyiin ka socday deeq bixiyayaasha, iyo
hay’adaha caalamiga ah.
Shirkan oo socon
doono hal maalin ayaa lagu soo saari doona siyaasadda iyo istaaratijiyada lagu
hagi doono qorshaha shanta sanno ee mashruucan horumarinta iyo maamul daadejinta
dawladaha hoose. Maayirka Caasimadda Hargeysa Eng. Yuusuf Siciid Warsame oo ugu
horrayn ka hadlay halkaas ayaa isagu sheegay in mashruucan wejigii hore laga
faa’iiday horumar la taaban karo oo laga gaadhay degmooyinkii uu ka hirgalay,
isagoo intaa ku daray in kulanka mashruucan lagaga arrinsanaayo ay ka soo bixi
doonaan maxsuulo midha dhal ah oo mashruucan lagu hirgeliyo.
Wasiir-ku-xigeenka Horumarinta Dawladaha Hoose ee Wasaaradda
Arrimaha Gudaha Md. Cismaan Garaad Soofe ayaa isagu tilmaamay in wejigii hore ee
mashruucani wax badan ka soo qabsoomeen, balse ay jireen galdaloolooyin uu lahaa
mashruucaasi., isagoo u mahadnaqay dhammaan hay’adihii gacanta ka qaatay
hirgelinta wejigii 1aad ee mashruucan.
“Waxaannu halkan
ka codsanay oo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenku codsadeen in
degmooyinka la kordhiyo oo halka uu hadda toddoba degmo ka shaqeeyo oo Gabilay
dhawaan ku biirtay, halkaasna inuu wax maqan yihiin baannu ka tabaynaa ee waa in
degmooyinka la kordhiya oo wixii suuragal ah lagu kordhiyo ayuu yidhi Md.
Cismaan Garaad Soofe. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa
xusay in mashruucan uu yahay horumarinta maamulada dawladaha hoose iyo maamul
daadejinta, isla markaana si dimuqraadiyada bulshadu u hesho horumarin loo wada
siman yahay, isagoo ka hadlayaa mashruucan iyo cida uu khuseeyo waxa uu
yidhi;
“Kulankeenan waxaynu kaga hadli doona, kana soo bixi kara in aan
mashruucan JPLG ahayn mid u dhaxeeya deeq bixiyayaasha, degmooyinka, balse uu
yahay barnaamij ballaadhan oo dhinac ka wada yihiin dawladda iyo deeq
bixiyayaahsa, dhinac kalena uu ka dhaxeeyo dawladaha hoose iyo deeq
bixiyayaasha, sidoo kalena wuxuu u dhaxeeya dawladaha hoose iyo dawladda dhexe.
Dawladda dhexe waa in ay fulisa masuuliyadeeda iyo doorkeeda oo ah qorshaynta,
kormeerida iyo ilaalinta, guddida heerka qaran ah ee uu Madaxweyne-ku-xigeenku
hor kacaayo ayaa la aasaasaya in ay si toos qumaati ah uga shaqeeyan
barnaamijkan JPLG, waana in la helaa siyaasad iyo istaraatiji lagu ilaalino
fulinta iyo hirgelinta mashruucan horumarinta degmooyinka.”
Mr. Paul Crook oo
isagu ka mid ah masuuliyiinta hay’adda mashruucan gacanta ku haysa ee ILO ayaa
isagu sheegay in uu ku hadlaayo magaca hay’ada Qaramada Midoobay ayaa sheegay in
waqtigan loo diyaargaroobaayo in la sii horumariyo mashruucan si horumar loo
gaadho, waxaannu intaa raaciyey in shirkan lagaga wad hadli doono qorshayaasha
lagu hirgelinaya mashruucan. Anna Schmidt oo ka socotay Ururka Midawga Yurub
ayaa iyadu carrabka ku dhufatay in mashruucan uu yahay mid ka qaybqaadana
horumarinta, maamul daadejinta iyo xasilooda Somaliland, iyadoo iftiimisay inay
soo dhawaynayaan guddida Madaxweyne-ku-xigeenku hoggaaminaayo ee xukuumaddu u
saartay inay mashruucan dabagalka ku sameeyaan, iyadoo soo jeedisay in
mashruucan laga fuuryeelo dadka laga tirada badan yahay.
“Waxaan u
hambalyeyna maamulada dawladaha cusub ee la doortay, waxaannu ogayn in
doorashadan ahayd mid xor ah, sidoo kalena waxaannu la soconay dhibaatooyinkii
iyo xad-gudubyadii ka dhacay, tacsina waan u diraynaa dadkii wax ku noqday,
waxaannu rajaynaynaa in aan xad-gudubyadaasi soo noqon, xuquuqal-insaankana ha
la ilaaliyo, masrhuucan JPLG inuu sii socdana waannu taageeraynaa,” ayey tidhi
Anna. Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Ismaaciil
Saylici ayaa isagu ka hadlay horumaradii mashruucan laga dhaxlay iyo xukuumad
ahaan waxa uga qorshaysan mashruucan soo socdo, isagoo codsaday in degmooyin
cusub oo ay ka mid yihiin saylac, Ceerigaabo iyo Laascanood loogu daro.
Md. Saylici waxa
uu sheegay in caqabadaha ka hor yimi wejigii koowaad ee mashruucan ay ka mid
ahaayeen is fahan la’aan ka dhexaysay dawlada dhexe iyo dawladaha hoose, fulinta
ballamaha dawladda dhexe qaado oo yarayd iyo aqoonta dawladaha hoose u leeyihiin
maamul daadejinta oo aad u hoosaysay.
“Waxaannu ballanqaadaynaa in qaranka
diyaar u yahay oo uu ka midho dhaliyo, guulna ka soo hooyo mashruucan,
waxaanannu u mahadnaqaynaa dalalka shanta sanno hore ee qadhaanka ugu deeqay
qaranka Somaliland, isla markanaa siiyey ballanqaadka ah sii wadida mashruucan,
waxaanannu ka codsanayna qadhaan bixiyayaasha inay mashruucan ballaadhiyaan oo
aan lagu koobin degmooyin khaas ah oo lagu daro degmooyin cusub, muddadaas
shanta sanno ahna la gaadhsiiyo degmooyinka dalku ka kooban yahay, waxaan in
xafiiska isku xidhka mashruucan yeesho xoghayn, waxaanannu ballanqaadayna
inaannu si dhakhso ah u samayn doono guddi wasiiro ah oo xoghaynta hoos yimaada,
waxaannu ballanqaadaynaa inaannu samayno guddi farsamo oo hagi doonto farsamada
maamul daadejinta Somaliland.”
Madaxa mashruucan
JPLG Mr. Patrick Doung ayaa isagu sheegay in shirka halkan lagu qabtay
muujinayso sida bulshada caalamku u danaynayso in ay wax la qabtaan Somaliland
si shacabku faa’iido u helaan. “Waxaannu si fiican ula shaqayn doona xukuumadda
iyo dawladaha hoose si shacabka ugu gudbiyaan adeeg maamul oo tayo leh, waxaannu
u isku xidhi doona sidii labada waxood ee dawladdu u wada shaqayn lahaayeen,”
ayuu yidhi Mr. Patrick.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment