.....(Hal-ku-dhigyo Dhaxal-gal Noqday) = ..... President, C/raxmaan A. Cali: ''Jamhuuriyadda Somaliland dib ayay ula soo Noqotay Qaran-nimadeedii sidaa awgeed, waa dal xor ah oo gooni u taagan maanta (18/05/1991) laga bilaabo''...>>>>> President, Maxamad I.Cigaal:''Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland'' Waa mid waafaqsan xeerasha u-degsan Caalamka! Sidaa darteed, waa Qaran xaq u leh in Aduunku aqoonsado''...>>>>> President, Daahir R. Kaahin: ''Jamhuuriyadda Somaliland waa dal diimuqraadi ah oo caalamka ka sugaya Ictiraafkiisa''...>>>>> President, Axmed M. Siilaanyo: ''Jamhuuriyadda Somaliland, Boqol sano haday ku qaadanayso helista Ictiraafkeedu way Sugaysaa! Mar dambena la midoobi mayso Somalia-Italia''.....[***** Ha Jirto J.Somaliland Oo Ha Joogto Waligeed *****].....

Tuesday, January 15, 2013

M.I.Warsame ''Hadraawi: Waligay Meel Laga Codaynayo Intaan Warqad Qaatey Kuma Ridin! Ta Kale Somaliland iyo Somalia....

'
Somaliland iyo Somalia wadahadalkooda waxan u rajaynaya inay ka soo baxaan go’aamo labada dhinac ka wada raali yihiin oo soo afjara kala-lulashada labada dhinac''. Hadraawi
 
- Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ka hadlay Aragtidiisa doorashadii golaha deegaanka ee 28-kii November ee sanadkii hore dalka ka qabsoontay, isla markaana ay ka dhasheen cabashooyinka iyo khasaare dhimasho iyo dhaawac keenay, waxaanu dhibaatooyinka doorashadaasi ka dhashay ku sababeeyey furista ururada siyaasada oo uu sheegay inaanay Dimuqraadiyad u horseedin dalka ee ay galiyeen khilaafyo iyo kala qaybin.
 
Abwaan Hadraawi waxa uu sidaas ku sheegay Waraysi khaas ah oo Wargeyska Haatuf xalay khadka telefoonka kula yeeshay isaga oo ku sugan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, kaas oo sidoo kale kaga xogwaramay shaqsiyadii Guddoomiyihii Baanka Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo ay saaxiib dhaw ahaayeen oo habeenkii Jimcihii Magaalada Nairobi ku geeriyooday, kaas oo uu ku tilmaamay nin raganimo iyo deeqsi-nimo Ilaahay ku manaystay sida bedelkiisa loo helaana ay adagtahay, isla markaana guud ahaan shucuubta Djibouti iyo Somaliland ka tacsiyadeeyey geeridaas naxdinta leh.
 
Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi waxa kale oo uu ka hadlay wada-hadalada dhawaan la filayo inay Somaliland iyo Somalia u furmaan, kaas oo sheegay inuu rajaynayo inay ka soo baxaan go’aamo labada dhinac ka wada raali yihiin oo soo afjara kala-lulashada labada dhinac. Ugu horayna isaga oo xaalada guud ee dalka ka hadlaya waxa uu hadalkiisa ku bilaabay;
 
“Xaalada dalku waa mid la iska wada ogyahay oo sababay leedahay oo Insha Allaahu Tacaalaa waxba inaga xumaan maayaan, mida kale tan ayuun buu Alle ina baday oo hadii ay xumaatana inaga ayuun bay inaga xumaanaysaa oo ka masuul ah hadii ay hagaagtana inaga ayey inoo hagaagtey, isla markaana dhamaanteen Masuul ayeynu nahay oo masuuliyad ayaa dalka inaga wada saaran, Mida wadanka dawlad ayaa ka jirta sidaas oo ay tahay hadana masuuliyad ayaa ina wada saaran”.
 
Hadraawi isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Waxaan ka xumahay in Doorasho dhacday oo aan goob-joog ahaa oo aan dalka joogay aanay wali dhicin oo marka ay doorashooyinka iyo waxaasi dhacayaan Miyiga ayaan iska tagaa, waanan garanayaa inaanay macno lahayn oo ay Mushkiladi imanayso oo saxmad imanayso, isla markaana marka danbe uu isqab-qabsi imanayo oo sidaas mushkilado ku abuurmayaan, waligayna meel laga codaynayo intaan Warqad qaatey kuma ridin oo taasi waaba ii dhaqan oo Walle ayey iga tahay.
 
Mida kale sida aynu wada ognahay doorashooyinkii deegaanka ee dalka ka dhacay mushkilado ayaa ka yimid oo is-tuhun iyo is-qabsi ayaa ka danbeeyey, halka ay ka qaloocan tahay garan mayno oo cid-waliba cida kale ayey farta ku fiiraysaa marka waxa ila qurux badan uun in dhaliilo badan oo aynu iska wada leenahay aynu saxno.
 
Dawladda dalka ka jirtana waxa ku waajib ah in marka ay wax dhacaan ama doorasho dhacdo ama wax kaleba dhacaan inay u hawlgasho oo ay masuul ka noqoto wixii dhacaba oo ay tusaale ahaan doorashada ay ka masuul noqoto dawladu waxkasta oo iyada ku waajib ah haday noqon lahayd sugida amaanka goobaha iyo sharcigii lagu ilaalin lahaa oo loo baahan yahay in dhamaystiro, markaa maadaama oo dalka dawladi ka jirto wixii dhaca iyada ayuun baa ka masuul ah oo dusha laga saaraya”.
 
Abwaan Hadraawi mar wax laga waydiiyey inuu wax iska badelay mawqifkiisii hore ee uu wakhti uu Haatuf u waramayey kaga soo horjeestey furista ururada oo uu sheegay wakhtigaas inay dalka u horseedikarto khilaafyo horleh, isaga oo Abwaanku arimahaas ka hadlayana, waxaa uu yidhi “Marwalba waxa la qiimeeyaa xaaladaha taagan oo waxa lagu falgalaa waaqaca jira adiga oo xaalada jirta waafajinaya arinka aad ku dhaqaaqayso.
 
Wadankani ururo badan, buux, saxmad, khilaafyo iyo 10 urur oo aan macno lahayn uma baahnee waxa uu u baahan yahay ayaan odhan lahaa laba Xisbi oo ragtidoodu kala duwan tahay ayeynu qaadi karnaa marka axsaabtii badnayd ee la furay ee la yidhi midwalba jaantaa rogan ayaa buuqa iyo isqabsiga maanta kaagan keenay iyo khilaafka keenaya, waxaana loo baahan yahay in xaaladaha lagu sargooyo xaqiiqada dalkeena ka jirta, waayaheena iyo dhaqaalaheena iyo tirada bulshadda dalka, sababta oo ah arimahaas ayaa wax lagu qaybsadaa.
 
Mida kale waa dhibaato hadii la yidhaahdo Dimuqraadiyadu waa ururo badan oo ilaa 10 ka badan hala furo taasi waa been oo maaha Dimuqraadiyad, hadii aynu yardul istaagno Dimuqraadiyadu waa shay lagu tijaabiyo oo sida aad aragteen Caalamka ama dalwadaha reer Galbeedka oo Ingiriiska ama Maraykanka oo kale waxa ka jira ilaa laba Xisbi, hadii ay ugu badatana ilaa saddex Xisbi, markaa hadii dadkii Dimuqraadiyadan keenayba ay sidaas u koobeen axsaabtoodii inagana waa khalad inaynu inagoo dhaqaale aan u haysanin oo shuruudahaas hore oo dhan aynaan buuxinin inaynu isku qaadno furashada ururo badan oo khilaafyo dalka u horseedaya sida dhacday imikaba, laakiin anigu in dadka loo furo ururo badan oo la yidhaahdo Jaantaa-rogane ku gala doorasho anigu uma arko inay macno leedahay, sababta oo ah waata keenaysa in marka danbe la isku rogmado oo murano horleh ummada u horseeda, isla markaana kala qaybiya”.
 
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) mar wax laga waydiiyey sida uu u arko dawladda cusub ee Somalia dhawaan ka dhalatey iyo saamaynta ay ku yeelankarto Somaliland, waxa uu yidhi;
 
 “Labada dal ee Somaliland iyo Somalia waxa la isku odhanjiray barigii hore Somalia, waxa lagu muransan yahayna waa sida aynu ognahay qoladaas Koonfurtuna waxay leedahay waad naga midtihiin qoladeenan Somaliland waxay leedahay waanu idinka go’nay oo waanu Madaxbanaanahay, imikana Somalia waxa Madaxwayne ka ah nin cusub oo aynaan wali biyo-dhiijin oo wax lagaga talo-galo iyo xili aynu ku qiimayno aan wali gaadhin, waxa uun laakiin lama huraan ah marwalba in mushkiladii goosiga iyo goosi la’aantu way iska taagan tahay oo sida aynu sheegnay laba mabda’a oo iska soo horjeeda ayeynu kala taaganahay laakiin si walba ha noqoto oo ha iska galgalato oo aakhirka laba mid ayuun buu noqonayaa oo lagu khasban yahay 1) inaynu noqono laba dal oo walaalo ah oo jaar ah oo is-weheshada sidii wakhtigii midowgii ka hor aynu ahayn inaynu noqono iyo inay waligeed mushkiladaasi iska taagnaato oo sidaas la iskugu muran sanaado.Mida kale sida la filayo wada-hadalo ayaa soo socda inay labada dhinac iskugu yimaadaan, waxaanan rajaynayaa in kulanadaas wuxuun lagu heshiiyo oo la maareeyo mushkiladaha jira iyo isqabsiga oo inta la isku tago la isla gaadho go’aan meesha ka saara muranada taagan imika”.
 
Ugu danbayn Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi mar uu ka hadlayey shaqsiyadii Guddoomiyihii Baanka dhexe ee Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd oo maalintii Jimcihii ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, isla markaana tacsi u diraya Shucuubta labada dal ee Djibouti iyo Somaliland, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay;
 
 “Alle ha u naxariistii Jaamac Maxamuud Xayd saaxiib ayaanu ahayn oo waxa uu ahaa nin lagu soo hirto oo raganimadiisa iyo waxtarkiisa aan la malayn karin, waxaanu ummadda u ahaa iftiin iyo cadceed oo waxa uu ahaa nin aragti fog oo aqoonyahan ah, isla markaana bulshada noocwal oo ay tahay u jajaban oo hadii Ilaahay ka dhigo gacan leh.
 
Aniga oo aan caawa halkan ku dhamaynkaraynin raganimada iyo shaqsiyadii fiicnayd ee Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd, waxaan leeyahay geeridu waa xaq ee Ilaahay ha u naxariista oo Janooyinkiisa ha ka waraabiyo isagaa awood lehe. Shaqsiyadiisa iyo miisaanka uu ummada ku lahaa Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd waxa aad ka garankartaa sidii markii geeridiisa la soo sheegay looga dareemay gayiga Soomaalida oo dhan laga oogsaday, isla markaan dadku ay aad uga naxeen oo ay bulshadu cadaysay shaqsiyadiisa dhabta ah iyo qofkii uu ahaa Alle ha u naxariistee.
 
 Mida kale Jaamac Maxamuud Xayd waxa uu ka tagay reer oo ummad dhan ayuu ka baxay Alle qabriga ha u nuuriyee, waxaanan jeclahay inaad tacsi iga gaadhsiisaan oo aad kaw ka dhigtaan qoyskii uu ka baxay, laba waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu ina siiyo badelkii Jaamac Maxamuud Xayd.
 
Mida kale geeridu waa xaq oo xaqii ayaa helay Marxuum Jaamac laakiin waxa inala gudboon inaynu u ducayno oo aynu xusno sidaan filayo-na aaskiisii xalay ayuu dhacay oo waanan ka xumahay inaan goobtaas ka maqnaado, waxaanan hadalkayga ku soo koobayaa Alle ha u naxariistee Jaamac Maxamuud Xayd waxaynu ku xasuusan doonaa raganimadii iyo sifooyinkii wanaagsanaa ee uu lahaa”.
 
Xigasho: Haatuf

No comments: