''Ma Ciisaha dhulkoodii iyo dadkoodii qabiil kale dusha laga saaray ee la yidhi u taliya,ma taasaa xor iyo xalaal ah?''. Cabdalla Xaaji
- Dabadeed Maxaa Dhacay?. Intaan u gelin arrimihii foosha xumaa ee ka dhacay
gobollada Ciisuhu ka dego Somaliland gaar ahaan Lughaya iyo Saylac, aan dib u jalleecno
1990kii wixii ka horreeyey.1960kii markii dalku gobannimadiisa uu gumaysigii
Ingiriiska ka qaatay iyo ka horba, meelaha aadka loo dayacay ee haba yaraatee
aan waxba laga qaban dhinacay doontaba ha noqotee, xag waxbarasho, xag
caafimaad,xaga soo saarka biyaha iyo waddooyinka haba yaraatee waxba
looma qaban dadka Ciisaha.
Haddii qof ka bukoodo,amma haweenay xaamila iyo xataa
dhallinyarada shaqa doonka ah Jabuuti ayey si toosa ugu xidhan yihiin.Haddii ay Hargeysa oo caasimaddii dalka ah u baahdaan inay
tagaan, gaadiidkii iyo waddadii baan u saamaxayn, midda kale qaraabadii iyo
eheladii oo dhan baa Jabuuti deggan.Waa sababaha dheliyey inay Jabuuti toos ugu
xidhnaadaan.
Dhinacaa marka laga eego Ciisaha Somaliland
waxay isku duruufo yihiin Isaaqa dega gobolka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan Gaashaamo
Bari iyo Harta Sheekh.Labadaa degmo Isaaqa u dhashay noloshoodu gebi ahaanba
waxay ku xidhan tahay Burco iyo Hargeysa(Somaliland).Dadkaasi haddii ay u
baahdaan dawo( Mid dad iyo mid duunyaba),waxbarasho, shaqo,ganacsi iyo
taakulayn intaba Burco iyo Hargeysa ayey u soo doontaan.Magaalada Jigjiga ee
gobolka Soomaalida laga xukumo dhib mooyee dheef kuma qabaan.
Dhinaca maamulka, 1960-1989kii waxa Saylac soo
guddoomiyey,Mudane Cilmi Nuur Faarax, mudane Khaalid Cabdi Diiriye iyo Daahir
Xirsi Cali oo isagu 1989kii ku geeryooday dagaalladii isaga oo SNM ka
tirsan.
Aan u soo dego doorashadii 28kii Oktoobar 2012kii laga
qabtay Somaliland . Doorashadani waxay noqotay,tii ugu liidatay
doorashooyinkii dalka soo maray. Sumcad xumadii,dhibaatadii iyo cadaaladdarradii ay soo
jiidayna weli dalku uu la daalaadhacayaa.Cadaaladdarradii u wayneyd waxay ku dhacday deegaannada Ciisaha. Sidee bay wax u dhaceen? Waxa dhacday in
madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee dalka iyo
dadkaba u dhaartay uu toos u yimaaddo gobo ka tirsan degmooyinka Ciisaha,waxa uu horseed u noqday sanduuqyo
madhan oo sidii la rabay loo cabbeeyey.Arrintaas oo madaxda iyo odayada Ciiseba
aad uga biyo diideen, waanay ku gacan
saydheen.
Cabshadoodii iyo dacwaddoodii waxay gaadhsiiyeen guddida
doorashooyinka. Cabashadoodii dheg jalaq looma siin,waxayna guddidii doorashadu
sheegtay in ay guushu raacday dad aan qabiilka Ciise u dhalan oo dhulka dool ku
yimid.Qabiilka Ciise sidaa kumay joogine waxay iska soo xuleen guddi ka kooban
odayo,siyaasiyiin, aqoonyahan iyo dhalliyaro, waxay mar labaad iyo mar saddexaadba
cabashadoodii iyo cadaaladdarradii ku dhacday hor dhigeen iyagoo weliba wax
yaabo caddaymo ah wata.(Madax meel ka sarraysa oo la taabto ma
jirtee).Madaxweynaha dalka
Ma taasay guddida doorashada, dawladdeenna iyo
madaxweynaheennuba cadaalad u yaqaanniin?
Ma Ciisaha dhulkoodii iyo dadkoodii qabiil kale dusha
laga saaray ee la yidhi u taliya,ma taasaa xor iyo xalaal ah? Waa yaab iyo
yaabka-yaabkiis. Amma garta amma ha garanina ee madaxweynaha iyo la
taliyayaashiisuba arrimahaa ugubka ah ee ay dalka Somaliland
u horseedeen waa wax yaabihii ay Soomaalidu isku dili jirtay waligeedba. Sayid
Maxamad baa laga hayaa “Xasad iyo xumaan la isku dilo, xiisad beled baa
leh”.Haddii madaxdeenna
Somaliland aanay wax ka baran sooyaalkii Soomaalidu soo martay,miyey illoobeen
cadaaladdarradii ay dawladdii Siyaad Barre ummaddan kula kacday iyo wixii ka
dhacay?
Haddii aad indhaha ka qabsateen aan idin xasuusiyo tuducyo ku
jiray gabaygii dheeraa ee Durdur ee uu tiriyey Maxamad Maxamuud Yaasiin(
Dheeg)(1983kii,) wuxu yidhi,
Rag
toodii Amxaar duudsiyey iyo, caydho dalandoola
Oo
an magan ku daynaayey baa, daarihii galaye
Dayfkii
martiyey reerka ee, daacadduna soortay
E
markuu dibbiray xoolihii, reerka kula dooday
Illayn
kama duwana tanay wadaan, nimanka Daaroode.
Raggaa uu Dheeg ku sheegay gabayga damacoodii halka uu
ku dambeeyey waan wada ognahay dhammaanteen .Kuwa imika damacu wado
ee moodaya in sanduuqyo madhan oo habeen madow waraaqo laga buuxiyo dhul lagu
helo,waxaan idin leeyahay waad mala-habowdeen ee sidaa dhul laguma helo.
Dhinaca kale, cadaalad xumada lagula kacay qabiilka
Ciise cid ka hadashay weli ma hayno,hadday tahay golaha guurtida,hadday
tahay golaha wakiillada iyo labada xisbi ee mucaaradka ah intaba.Taa waxa ka
sii daran, maalintii reer Saylac ay mudaaharaadka nabadeed u soo baxeen si ay
cabashadooda u muujiyaan,ciidammada milateriga ayaa loo dalbaday oo rasaas
mariyey halkaana ku dilay hal ruux
siddeed kalena dhaawacay.Maalintaana cidba ma soo tacsiyaday hadday xukuumad
tahay iyo goleyaal kaleba.
U dambayn, marka hore xukuumadda talada haysaa ha
ogaato in qabiilka Ciise aanu
marna oggolaanayn in qolooyin kale oo damac dhuleed wado gobolkooda ku dul
xukumaan,taasi waa mid ka go’an Ciisaha xitaa haddii shan wasiir la siiyo.
Midda labaad,shacabka Somaliland dhammaan waxaan u sheegayaa gaar ahaan
waxgaradka iyo siyaasiyiinta,haddii maanta laga hadli waayo oo laga aamuso
cadaaladdarrada lagula kacay walaalahood,ogaada in idinkana ay niigu iman
doonto gobol kasta, sidii berigii dawladdii Kacaanku dalka ka talin jirtay
looga aamusay xasuuqii ay kula kacday shacuubta Majeerteenka iyo Isaaqa ee ay
muddo yar dabadeed aanu gobolna ka badbaadin.
Cadaaladdarrada ku dhacday Ciisaha
waxa kale oo ay sii fogaynasaa walaalaheenna gobollada bari dega(Dhulbahante
iyo Warsangeli).Markay fiiriyaan Ciisihii shalay raacay ee la saftay SNM sidaa
loola dhaqmay, candhuuftooda ayey dib u liqayaan iyagoo is xasuusinaya
sheekadii ahayd “Ishaa Cali ninkii dayey, digniin wowgu filan tahay”.
Sii foogeynta iyo cadaaladdarraduna saadaal wanaagsan uma soo sidaan qaddiyadda
Somaliland. Madaxweynaha, xukuumaddiisa iyo golayaasha(Guurtida iyo
Wakiillada)waxaan ku adkaynayaa isla markaana aan ku baraarujinayaa inay si
dhakhso ah arrintan wax uga qabtaan oo aanay dhayalsan.
(Balaayo madax la qabto ayey leedahay ee dabo la qabto
maleh.)
Allahayow jidka toosan iyo cadaaladda
nagu hanuuni. AAMIIN
No comments:
Post a Comment