''Markay ka codsadeen inuu neefka wax ka siiyo waa uu uga dhaartay oo uu yidhi; kan wax ka helimaysaabn ee xerada neef kale ka la soo baxa''. Gees
- Saddex nin oo qawlaysto ah, ama tuug reer miyi ah, ayaa ku noolaa carriga Bariga Sanaag, meel la dheho Dhagax Labaasood, gaar ahaan Corcoro iyo Carmale oo ah meel waraabuhu ku badab yahay.Waa tii gabyaagii caanka ahaa ee reer Hargeysa Abwaan Farax Nuur uu ku soo hal qabsaday markuu lahaa:
Waraabaha Corcorood
iyo Carmaale dushiisa
iyo ka Cayn geel ku laaya
Arab kii cunayaa
kolay waa isugu cayn.
Qawlaysatadu waxay la baxdaa xoolo nool oo ay markaas cunaan, meeshu waa miyi oo lacag iyo raashin la xadaa ma yaal, xoolaha la dhaco waa lagugu garanayaa, marka waa in la qashaa oo markiiba la cunaa.... Xayte, Xaydh, Xuuye waxay ku noolaayeyeen qawlaysigaa muddo badan. Waxay sidaa ahaatoba, Xuute ayaa saaxiibadii u sheegay inuu ka toobad keenayo qawlaysigii iyo tuugadii oo ilaahay ka cabsanyo oo uu ka hadhay hawshii ay ku jireen. Sidaas ayuu ka dhabeeyey ,oo xoolo ayuu dhaqday oo wuu ka baxay tuugadii iyo hawsheedii. Waa la kala xidhiidh furtay saaxiibadii muddo badan.
Haddaba goor galab ah ayaa Xuute ka hortegay adhigiisii oo inantiisii la joogto si uu uga soo mayraco inantuna ay guriga biyo ugu doonato. Markuu ku soo dhowaaday adhigii ayuu wax uu arkay inantiisii oo laba nin la taagan yihiin, markuu soo beegay xaggii inanta ayaa labadii nin taabacaan oo dhaqaqeen iyaka oo talaabada hoosta ka xadaya.
Xuuto inantiisii ayuu kelgeed soo gaadhay goor ay sii bidhaamayaan labadii nin. Markuu toy’day inantiisii cidda ay ahaayeen labada nin waxay u sheegtay inay ahaayeen adeerradeed Xayte iyo Xaydh... Waaw waa saaxiibadii, markiiba dareen ayaa galay. Adhigii ayuu soo xereeyey, isla markiiba wan weyn oo shan jira oo adhiga ku jiray oo ka dhaqaaqayey ayuu birta saaray oo gawracay .Xayte iyo xaydh waxay ku jiraan guriga dugsiiisa oo waxay sugayaan in reerku kala seexdo , waxayse ku war helaan gawricii wanka.
Waxay is yidhaahdeen, gacantii go’day ina garay ee haddaba aan wanka oo gawracan qaadano. Intii reerkii ay wankii qalayeen ee ay ku sii jeedeen ayaa Xayte iyo Xaydh aqalka xagiisa dambe kala baxeen ilmo yar oo jiifay.
Makiiba dhegta ayey maroojiyeen ilmihii. Ilmihii jaqaaq ayuu yidhi. Habartii dhashay beerow ba’, way yeedhay ala la qaaday, Xuute waxa uu ku yidhi habartiisii naa waa adeeradii ee iska daa’. Ma Hooyo joogaysa war la la teg, ayey tidhi oo debedda ku booday Xuute waa ka daba booday. Labadii Tuug, ilmihii kob cidla ah ayey dhigeen oo weliba dhegta sii maroojiyeen, isna jaqaaq ayuu ka sii wadhay. Waxay soo daba meerteeyeen lamaanahii ilmaha dhalay oo waxay qaateen neefkii oo gawracan oon cidi la joogin. Lamaankii waxay soo qaateen ilmihii oo beercaddaaday oo cidla yaal.
Gurigii ayey ku soo noqdeen mise wankii ma yaal! Xuute wuxu ku yidhi islaantiisii imsa ayaan ku lahaa waa adeeradii ee iska joog. Hadaba reerka sii ilaalui oo la joog ilmaha anaa baadidoon tagiye. Xayte iyo xayd markay dhexda marayaan ayaa midkood loo diray inuu xaabo keeno, kii kalena neefkii ayuu sii qaaday oo meel ay wax ku karsan jireen la qabtay.
Xuute intuu xaabo isku sii raray ayuu beegsaday meeshii ay wada yiqiineen ee ay wax ku qalan jireen. Xayte oo neefkii ag jiifa oo sugaya xaabadii xayd ku maqnaa ayuu Xuute ku ag tuuray hilaygii xaabada ahaa oo ku yidhi orod oo biyo soo dar ceelka. Xayte ma hubsan ee xagee celka ayuu u dhaqaaqay. Markuu ka ilbdhay ayaa Xuute dib u soo qaatay neefkii oo gurigiisii la tegay.
Waxa kobtii isugu yimid Xayte iyo Xaydh oo midna biyo sido midna xabo sidoo, haseyeeshee neefkii uu maqan yahay waxayna noqotay quud aan jirin qoryo u guro, halkaas ayey garteen inuu xuute ka raayey waxay yidhaahdeen aan marka hibo u doonano. Markay u yimaadeen oo ay codsadeen inuu neefka wax ka siiyo waa uu uga dhaartay oo uu ku yidhi kan wax ka helimaysaabn ee xerada neef kale ka la soo baxa.
Siciid Maxamad Gees
No comments:
Post a Comment