- Mas iyo reer ayaa meel wada degay. Markii lays arkaa cabsiyi timi oo la kala baqay. Dhowr jeer ayaa reerki isku deyay inuu maskii dilo; umaysi suuro gelin. In muddo ah wax sheed layska eegtoba, reerkii oo aroos diyaarinaya ayaa maska meel dheer kala hadlay. Wuxu ku yidhi, “ Waar, cabsi joogto ah kuma jiri karo eh, aan heshiino, oo wacad alla galo in aynu is nabadgelino.”
Wacadkii ayaa reerkii iyo maskii galeen. Iyaga oo cabsidii ay maska ka qabeen ka baxday, ayay farxaddii arooska iyo ciyaartiisii u jeesteen. Nabad, farxad, iyo dabaaldeg ayaa lagu seexday. Hasa yeeshee, nimcadi ma sii waarin oo maskii caruuskii ayuu qaniinay oo dilay. Waana baxsaday. Isaga oo firdhad ah oo la daba joogo ayaa waxa uu ku soo baxay nin socoto ah. Wuxu ku yidhi, “Waar ninyahaw i magan geli dad baa idaba socda oo doonaya inay i dilaan eh.” Ninki wuxu u celiyay, “Mas baad tahee sideen kuu aaaminayaa?” “Wacad alle ayaynu gelaynaa,” ayuu ku yidhi maski.
Wacadkii ayay geleen. Ka dibna intu maski ninkii koray ayuu qoorta iska duubay. Halkii cabsidu joogtay markay ka fogaadeen, ayuu ninki maski ku yidhi, “Kaa soo fogeeyay halkii cabsidu taalayay, hadaba soo deg oo iska nabad gel.” Maski wuxu u celiyay, “Waar weli nabad ma arko eh, inuu wacad alle inoo xidhmo iyo in kale, dad iyo duunyo saddexda inoogu soo horeeya aan arankeena hor dhigno oo ha ka garnaqeen.” Ninkii oo doonaya sidii uu naftiisa ugu badbaadin lahaa maskan luqunta iska duubay ayaa yidhi, “Bal waayahee ina wadi.”
Markii u horaysay waxay ku soo baxeen awr duq ah oo socon kari waayay oo meel laga guuray. Awrkii ayay u sheegeen arrinkoodii. Ka dib markii labadiiba dhagaystay ayaa awrki yidhi, “Labdiinuba waad aragtaan xaaladayda. Intaas oo sanadood ayaan inan rag u adeegay. Maraan taranta geela ugu filaado, maraan rarka iyo reerka u qaado, maraan u dhaamiyo. Maalintii aan hawlgabay ee aan dhaqaaqi kari waayayna, cidlaada aad aragtaan ayuu igaga tegi. Masow, inan rag wacad malaha eh, ninka dil!”
Markii labaad waxay ku soo baxeen oday da’ ah oo isna keligii meel fadhiya. Arrinkoodii ayay odaygii hor dhigiin. Odaygiina wuxu ugu jawaabay, “Waad i aragtaan oo kaligii ayaan halkaa kuududaa. Waan dhaqay oo aan dhalay. Kuwii aan dhalay iyo kuwii ay dhaleen iyo xoolahaan dhaqayba cidlaadaasi ayaan ka joogaa. Masow, inana rag wacad malaha eh, ninka dil.”
Mar saddexaadkii, oo ah markii markii u dambaysay garnaqa, ayaa maskii iyo ninkii ku soo baxeen dawco. Dawacdii ayay arrinkoodii hor dhigeen. Dawcadi waxay ku tidhi, “Anigu wax isku raran uma garqaado eh, bal horta ka dega.” Maskii ayaa ninka qoortiisii ka soo degay oo dhulkii fadhiistay. Dawacdii ayaa ninkii ku tidhi, “Waar ka degye hadaba iska celi maska!!!”

Prof. C/Salaam Yaasiin
No comments:
Post a Comment