''Gabadhu waa cadaaladii. Indhaha laga xidhayna waxay u taagantahay inaaanay eex aqoon oo ehel iyo asxaab, madax iyo minjo midna aanay arkayn, oonay cidna u hiilinayn'' Prof.C/Salaan
- Waxaynu ka hadalay sida uu qasku (fawda) u yahay dawlad la’aan. Qoraalkan waxaynu ka hadlaynaa sida ay cadaalad la’aantu u tahay dawlad la’aan. Ku dhaqanka cadaaladdu waa amar rabbaaniya. Waa diin. Waa dhaqan wanaagsan oo loo aayo if iyo aakhiroba. Ilaahyiyo rasuulkuna inaynu cadaalad ku dhaqan ayay in amrayaan. Haddii aynu reer Somaliland nahay, halkaynu ka taagnahay amarkaasi ay tahay inaynu fulin? Meel madhan! Maxay sidaasi ku dhacday? Dawlad la’aan.
Maxkamadaheenu waa kuwii uu ingriisku ka tegay. Way gaboobaeen. Lama dayac tiro oo way isku dhex daateen. Haybadii maxkamadaha ma laha. Shaqaalaha fadhiistaana, laga bilaabo maxkamadda sare ilaa ta hoose, ma leh aqoontii, tababarkii, haybadii, iyo dhaqankii garsoorayaasha. Fasaadka iyo dulmiguna waa ku badan yahay. Maxaa sidaa ka dhigay? Dawlad la’aan.
Markay bulshada cadaalad ka weyday maxkamadihii, waxay in badani ula tagaan garnaqsigood culimada ama odayaasha. Golayaashaasi culimada ama odayada ayaanay kaga kalsoon yihiin maxkamadaha garsoorka. Maxaa keenay inay bulshadii ka dido maxkamadihii. Dawlad la’aan.
Caadlaadda waxa astaan u ah gabadh indha ka xidhan. Labadeeda gacmood, mid waxay ku haysaa miisaan; ta kalena waxay ku haysaa seef. Astaanta macnaheeduna waxa weeye, gabadhu waa cadaaladii. Indhaha laga xidhayna waxay u taagantahay inaaanay eex aqoon oo ehel iyo asxaab, madax iyo minjo midna arkayn. Miisaankuna waa agabkii xukunka saxa ah lagu goynayay. Seeftuna waa awoodii ilaalinaysay inaan dulmi dhicin.
Inaga gabadheenu indha xidhkii way tuurtay. Laba indhood iska daayoo toban bay wax ku eegaysaa! Yaa mudci ah; yaa madaacalay ah? Ma madaxweynaa; ma madax yaraa? Ma wasiir baa; ma xafaar baa? Ma tol baa; ma shisheeyaa? Ma dan yar baa; ma dan weynaa? Ma lacag baa; ma busaarad baa? Tobanka idhood bana waxay ku eegtaa halkay dan moodo!
Indhaha oo qoda waxa kuma eegtee, dhegaha ayay waxa ku eegtaa, oo sanaka ayay waxa ku eegtaa, oo afka ayay wax ku eegtaa, oo gacmaha ayay waxa ku eegtaa. Miisaankii iyo seeftiina way tuurtay. “Mar haddii aan waxba la miisaamayn, waxna la ilaalinay, culays uun bay noqdeen,” ayay tidhi. Waanay tuurtay labadiiba. Ceebay taclaa! Intaa ba waxa ka daran, inantii cadaalad ahayd, afkuun bay kala haysaa oo wixii ku soo dhacaba way liqaysaa! Maxaa cadaalad halkaa gaadhsiiyay? Dawlad la’aan.
Telifisiyoonka BBCdii iyo wargeysyada Ingriiska shalay iyo manta waxa ku yaalay war xiish badan. Siyaasi weyn oo ku dhowaaday inuu noqdo ra’iis wusaraa ku xigeen oo la yidhaa Chris Huhne iyo xaas ay kala tageen oo la yidhaa Vicky Pryce ayaa maxkamad Ingriis ahi ku xukuntay mid walaba 8 bilood oo xadhig ah. Iyaba waa yaab eh, maxay gaysteen dadkan waawayn ee Ingriiska caanka ka ah ee la xidhay?
Waxay been ka sheegeen xadgudub ay ku xadgudbeen sharciga socdaalka ee Ingriiska. Denbi uu ninku galay, oo ah inuu baaburka xoog u waday oo dhaafiyay xawaarihii sharcigu ogaolaa, ayaa markii ciidankii socdaalka joojiyeen u odaygi gabadhiisii ku yidhi, “Anigu nin weyn oo caan ah baan ahay adigu denbiga qaad.” Gabadhu markii hore way ka warareegtay; markkii dambe se way qaadatay denbigii. Ka diba khalaaf soo dhexgalay iyada iyo ninkii oo ay kala tageen, ayaa soo saaray inay been ka sheegeen dhacadii xawaraha sharci darada ee ay ku socdeen.
Marakii taasi maxkamadda ka caddatayna, labadba min sideed bilood ayaa la xidhay. Alaahu Akabar! Ibgriiska madax iyo minjo, cidna sharciga iyo cadaaladda ka ma sarayso. Inagan askariga joojiya wasiir sharciga jebiyay ama nidaam daro ku socda ayaa la xidhayaa! Maxa sidaa ina bada? Dawlad la’aan!!!
Waa halkii Xassan Sheekh Muumine, “Dawo hadday bukooto, maxaa lagu dabiibaa?”
Prof. C/Salaam Yaasiin
No comments:
Post a Comment