- Golayaashii deegaanada ee lagu soo doortay doorashadii dalkan ka qabsoontay 28
November 2012-kii oo muddo saddex bilood ah xilka hayay ayaa hawl qabadkoodii
ugu horeeyay ka bilaabay mushahar korodhsi, talaabadaas oo shacbiga reer
Somaliland amakaag iyo layaab ku noqotay, ayaa waxa su’aalo layska waydiinayaa
asbaabta keentay in xubnihii golayaasha deegaanada ee raad qaadka ahaa, isla
markaana codka tooska ah ay ku soo doorteen shacbigu talaabada ay durba ku
korodhsadeen mushaharka.
Golayaasha deegaanka ee degmooyinka dalka ayaa laga
filayay in bar-bilowga talaabooyinka ay qaadaan noqdaan in qorsheyaal
horumarineed iyo waxqabad dhab ah ay ugu wanqalaan xilka iyo waajibaadka loo
doortay.
Talaabadan mushahar korodhsiga golayaasha deegaanka oo ay ugu horeeyeen
golaha deegaanka degmada Burco, oo iyagu badhtamihii bishii December 2012-kii
qalinka ku duugay mushahar korodhsiga ay ku Aftaxeen ayaa waxa kaga dayday ilaa
inta la ogyahay golayaasha deegaanada Hargeysa iyo Gabilay, oo iyaguna
todobaadkii hore cod ku meel marsaday korodhsiga mushaharkooda.
Sidoo kalena
waxa la sheegay in golayaasha deegaanada ee degmooyinka kale ee dalku ay
dariiqan mushahar isku kordhinta ay ku talaabsan doonaan.
Shacbiga reer Somaliland ee ku dhaqan gobolada iyo
degmooyinka dalka ayaa talaabooyinkan mushahar korodhsi ee xubnihii golayaasha
deegaanada ay ka bilaabeen hawlqabadkii laga filayay ayaa saluug iyo dareemo sas
leh ka bixiyay.
Xigasho: Haatuf
No comments:
Post a Comment